DABCIGA MA-DIIDNIMADA
SHAQOOYINKA AY KU FIICAN YIHIIN
Sadka dabeecadahaan leh waxay ku fiican yihiin shaqooyinka la xiriiro bini'aadannimada iyo u adeegidda bulshada, loona yaqaano "Social work" sida shaqooyinka kalkaalnimada, horumarinta bulshada, gargaarka, wacyi gelinta iyo baxnaaninta.
Waxay shaqooyinka noocaan ah kaga badbaadayaan niyadjabka iyo cudurrada la xiriiro. Waxayne noqonayaan dad wax u qabtay bulshadooda, faa'ido badanne u soo hoyay naftooda, abuurtayne mustaqbal ay hiigsan karaan.
SIDEE LOOLA DHAQMAA DADKAN ?
1. Dadka dabeecadahaan leh kama ahan ajar ku raadso ama naftaada iyo maalkaada u hur saaxiibadaa ilaahay dartiis ee waxay ka tahay dabci, sidaas ayay farxad ku dareemaan, kagana hortagaan in la naco ama saaxiib ku waayaan, sdiaa daraadeed waa in aad iska ilaalisid in aad xaqooda cuntid ama ku daneesatid taasoo si sahlan dambi kaaga soo raaci karo.
2. Ogow dadkaan ma ahan daqomo oo caqliga ku yar yahay, waa dad Alle siiyay maskax fiican laakiin dabcigooda ayaa ka xoog badan, sidaas ayayna ugu muuqdaan dad laga caqli badan yahay maadaama dantooda aysan garanayn, marka qaabka aad ula dhaqmaysid iyo khaladaadka aad ka galaysid wuu dareensan yahay, laakiin ma jeclo inuu ka hadlo ama kaa diido si uusan qalbigaaga u dhaawicin.
3. Maadaama naftoodu ay tahay waxa ugu dambeeyo oo ay ka fakaraan, waxay u nugul yihiin cudurro badan oo ka dhasho daalka, hurdo la'aanta iyo welwelka, sidaa awgeed hadduu xanuunsan yahay, lagama yaabo inuu shaqo fasax ka qaato ama uu dhaho "waan xanuunsanahay, ma qaban karo howshaan", marka iska ilaali xuquuqdooda.
4. Haddii aad leedahay saaxiib dabeecadahaan leh, ku dadaal sidaa u xajisan lahayd, ugana ilaalin lahayd niyad-jabka, isagane ilaalin lahayd xuquuqdiisa, sababtoo ah maanta dunida ma jiro qof intaa kuu samaynayo si bilaash ah.
5. Qofka dabcigaan leh waxaa haboon inuu guursado qof ka dabci duwan si guriga uusan uga dhumin dheelitirnaanta, caruurtane u helaan tarbiyo dhexdhexaad ah.
MA LA BEDELI KARAA DABCIGAN ?
Dabciyada waxaa loo kala qaadaa laba: mid waad ku dhalatay, midne waad kasbatay. waxaadne ka ogaan kartaa dhaqanka iyo taariikhdiisii hore, haddii ay tahay dabci aad kasbatay nolushu way kaa baddali kartaa, laakiin haddii ay tahay mid aad ku dhalatay way adag tahay in qofka iska badalo ama laga badalo. waana sababta qoysaska qaar ay quus uga taagan yihiin caruurtooda dabeecadahaan leh.W/Q: Dr Abdullahi Mahdi @Qormooyiin