View in Telegram
HABAB KUU SAHLAYA INAAD SHAQO HESHO Waxaa laga yaabaa inaysan fududeyn inaad hesho shaqadii aad ku hanweyneyd. Qaabka shaqaaleysiinta dunida ee shirkadaha waaweyn iyo kuwa yaryarba si dhakhso ah ayaa uu marba isu beddelayaa. waxaan halkan kuugu heynaa talooyin kaa caawinaya inaad hesho shaqo. 1. Yeelo tababar xirfadeed oo wanaagsan: Shaqooyinka la heli karo ayaa aad u yar markii la barbardhigo dadka shaqo-doonka ah. Tartanku aad ayuu u sarreeyaa. Markaa si aad uga soo dhexmuuqatid dadkaas badan, waa inaad marka horaba leedahay tababar xirfadeed oo wanaagsan. Waana in qofku uu yaqaan waxa uu qabanayo. Ganacsaduhu ma iibsanayo aqoon, ee waxa uu doonayaa qof garanaya sida loo qabto shaqada, xirfaddiina leh. Qofka shaqa-raadiska ku jira ee aanan wadan shahaadooyinka waxbarasho ayaa leh fursad yar oo uu ku heli karo shaqo wanaagsan. 2. Shaqo ka dhigo shaqo-raadinta: Baadigoobka shaqo waa inay shaqo u noqotaaba dadka aan shaqo-haysan. Waa inaad maalinwalba toostaa oo aad baadigoobtaa shaqooyinka la heli karo, xogta la xiriirta waaxaha shaqooyinka haya, balse waa inaad sidoo kale xog ka haysaa xaaladda shaqo ee qaranka. Taasi waxa ay kuu sahlaysaa inaad ogaatid waaxda shaqada laga codsan karo iyo sida halkaas lagu gaadhi karaba. 3. Baro sida loo qoro tusmada taariikh nololeedkaaga (CV): Tusmada taariikh nololeedkaaga (CV) waa xiriirka ugu horreeya ee dhexmara qofka wax shaqaalaysiinaya iyo qofka shaqo-doonka ah. Haddii aad haysatid CV aanan u qornayn si wanaagsan, oo aan diyaarsanayn ama aanay ku jirin xog la xiriirta xirfadaada, dhinac ayaa la iska dhigayaa ee ogow. CV-ga waa inay ku jirto qeyb aad ku muujinaysid xirfadaha aad garanaysid. Waa goobta aad ku sheegaysid howlaha aad ku guulgaartay goobta aad hadda ka shaqaysid. CV-gu waa inuu si wanaagsan u qoran yahay waana inaan iska ilaalisaa inaad ku dartid wax baashaal u muuqan kara. Tusaale ahaan, waa inaad u yeeshaa qeyba casaan ah iyo qeyba cagaar ah, iwm. 4. Ogoow hab dhismeedka shirkadda aad shaqada ka raadsanaysid: Marka aad u timaadid in imtixaan aad u gashid shaqo, waxaa lagaa filayaa in aad la jaanqaadid anshaxa iyo dhaqanka goobtaasi, waa in aadan soo xidhan surwaal jiinis ah oo jeexjeexan iyo kabo dacas ah. Ahoow mid naftiisa ku kalsoon, halkan uma aadan iman in aad shaqo usoo baryo tagtay, balse waxaad la timid shaqo , xifad iyo adeeg. Qof shahaado haysta shaqo uma baryo tago. Marka aad qoratid tusto taariikh nololeed, waa in aad tahay qof isku kalsoon, waana in aad muujisaa qof guuleysan kara shaqo kasta oo loo dhiibo. 5. Samee baadhitaan: Wax ka ogow cidda ku weydiin doonta su'aalaha ( interview) waxna ka baro iyaga intaad awooddo. Si qoto dheer u baadh shirkadda; Maxay qabataa? Yaa ka mas'uul ah? waa kuwee shirkadaha ugu waaweyn ee ay tartanka kula jirto? Meesha ugu habboon ee baaritaankaas laga bilaabana waa website-ka shirkadda. Sii diyaarso qoraallo, iskuna diyaari marka uu wareysigu dhammaado inaad weydiiso su'aalo muujinaya baaxadda uu la'eg yahay baaritaanka aad sameysay. Waa wax aad sameyn karto maalin kahor maalinta wareysiga si aad u diyaar garowdo una noqoto qof isku kalsoon. Lasoco qaybta 2aad. @Qormooyiin
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily