View in Telegram
HABAB KUU SAHLAYA INAAD SHAQO HESHO Q2AAD. 6. Muraajaco samee: Diyaarso liis ay kuugu qoran yihiin su'aalaha macquulka ah ee lagu weydiin karo isla markaana isku day inaad jawaabahood sii muraajaceysato. Haddii ay kugu adkaato waxaa jira meelo badan oo baraha bulshada ah oo aad ka heli karto qaar ka mid ah su'aalaha wareysiga la isku weydiin karo. 7. Ka feker dharka aad xidhaneyso: Aragtida ugu horreysa waa muhiim, qaar ka mid ah dadka wax shaqaaleysiiya waxay go'aan gaadhaan 30-ka ilbidhiqsi ee ugu horreeya. waa laga yaabaa inaad si fiican uga jawaabto su' aalaha laakiin haddii uu dharkaaga niyad jebiyay markii horaba, waxaad qarka u saaran tahay inaad guul darreysato. Hubi in dharka aad wareysiga ku aadeyso oo aad diyaarsato waqti hore. khubarrada shaqaaleysiinta ayaa kugula talinaya inaad soo xidhato suud. 8. Si fiican u gacan-qaad: waa waxa ugu horreeya ee dhacaya marka aad qolka wareysiga gasho. Inaad qofka si fiican u gacan-qaaddo waxay muujineysaa inaad tahay qof isku kalsoon. hubi inaad xiriir indhaha ah la sameyso qof walba oo aad salaameyso. Mar walbana tiish hakuugu jiro jeebka qofna ma doonayo inuu salaamo gacan dhidideysa! 9. Dhoolla-caddee!: dhoolla-caddeyntu waa luqad caalaami ah oo micnaheedu yahay "Waan ku faraxsanahay inaan halkan imaado, waxaana ahay qof fiican". Si fiican u dhoolla-caddee marka aad qolka gasho iyo sidoo kale wareysiga dhexdiisa. Waa hab fudud oo lagu kasbado buundooyin!. Si hagaagsan oo toosan u fadhiisato, marna hoos ha u fooraarsan. 10. Xakamee neerfahaaga: Walwalka badan wuxuu sababaa in dhammaan baaritaanka aan soo sameynay iyo wixii aan soo xifdinnayba inaan illowno. khubarrada shaqaalaha waxay soo jeedinayaan inaad neerfahaas u adeegsato inaad diiradda ku saarto jawaabahaaga. 11. Noqo qof soo jiidasho leh: Wareysiyada fool-ka-foolka ah waxay fursad kuu siinayaan inaad qofka u muujiso waxaad tahay, waxa aad ka hesho. Marka uu wareysigu dhammaado, u sheeg sida aad u jeceshahay shirkadda iyo sida aad ugu farxi lahayd haddii aad fursad u hesho inaad halkaas ka shaqeyso, laga yaabaa inaad taas kaga guuleysato qof kale. . 12. Ha niyad jabin: Haddii aad dareento inaad tareenka ka dhacday oo aadan shaqadaas heli doonin ha moodin inay intaas ku ektahay. Sii wad inta karaankaaga ah, ha niyad jabin bilowga ilaa dhamaadka. Xigasho. Sanad ayaa kasoo wareegay asaaskii chanel-kan qormooyin. Waad ku mahadsan tihiin sida fiican ee aad ula socotaan qormooyinka aan halkan ku soo qorno. @Qormooyiin
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily