View in Telegram
SABABAHA SHAQO LA'AANTA DHALINYARADA 1. Koritaanka badan ee shacabkeenna: waxaan nahay umad shacabkeedu aad u koroyo, dhalinyaraduna shacabkaas koraya ayey ka mid tahay. Kobaca dhaqaalaheennu wuu ka gaabinayaa koritaanka tirada dadkeenna. Shaqada abuurmeysa ayaa ka yar dhalinyarada saaxadda shaqada soo galeysa. 2. Xirfadda: dhalinyarada soomaalidu waa bilaa shaqo haseyeeshee deegaanada soomaalidu waxaa joogaa kumaakun oo shaqaale ajnabi ah kuna shaqeysanaya xirfad inagu keenay baahi aan u qabno xirfadooda awgeed, sababta oo ah xirfadii ayey leeyihiin, dhalinyarada soomaaliduna xirfadii ma laha . 3. Dhalinyarada oo ay ku adag tahay iney deymo qaataan: shuruudaha lagu xidho deymo qaadashada kama bixi karaan dhalinyaradu, shuruudaha waxaa ka mida inuu qofku keeno hanti damaanad ah iyo sidoo kale qof damaanad qaada deyntaa dhalinyarada ma heysaan hanti ay damaanad u dhigaan, sidoo kale ma helayaan qof damaanad qaada. 4. Dhalinyarada hal-abuurka heysa oo aan taageero helin: dawladda iyo haayaduhu ma taageeraan dhalinyarada la timi ama haysa fikrad ganacsi oo shaqeyneysa, dawladu waxaana haboon iney dawlada iyo haayaduhuba dhalinyarada hoos u eegaan oo wax la qabtaan. 5. Nidaamka waxbarasho ee jaamacadaha: inta badan jaamacadaha wadaankeenna ka jira nidaamkooda waxbarasho ee ay adeegsadaan kuma salaysna baahida taalla suuqa shaqo. Wadankeenna waxa uu Allaah ku maneystey khayraadka dabiiciga ah sida macdanta, xoolaha nool, beeraha iyo sidoo kale kalluunka. jaamacaduhu ardeyda si qoto dheer uma bixiyaan kulliyadahaas, sidii khayraadkaa mashaariic waaweyn oo shaqaynaya looga sameyn lahaa ardeydana kuma dhiirigeliyaan kamana garabsiiyaan. Sidoo kalena kulliyado xirfada ma bixiyaan 6. Noloshii baadiyaha oo gabi ahaan meesha kasii baxaysa: laf-dhabarta dhaqaalaha soomaalida waa xoolaha nool, balse waayahan danbe meesha way kasii baxaysaa, sababo jira awgeed, dadkii xoolo dhaqatada ahaa waxay waayeen baahiyaha asaasiga ah ee nolosha sida biyo iyo caafimaad ka dibna waxay noloshu ku kalifyey iney u soo qaxayaan magaalooyinka iyaga oo aan laheyn wax xirfad ah oo aan ka aheyn xoolo dhaqashada, sidaa ayna shaqo la'aan ku noqdaan. @Qormooyiin
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily