View in Telegram
Qormooyin
SIDEE UGU GUULEYSAN KARTAA IMTIXAANKA ? Inaad wixi aad soo baratay oo aad muraajaco ku sameyso wey adag tahay iyada oo mararka qaar ay dhacdo inuu qofku uu garan waayo halka uu ka bilaabayo. khubarada ayaa soo jeedinaya qodobo muhiima oo ku saabsan arrinkan hoos ka akhriso. 1. Quraacda iyo cunnooyinka maskaxda: Jidhkeenna si waajibaadkiisa uu sidii la rabay uu ugu guto waxaa loo baahan yahay in ahmiyadda la saaro cuntooyinka nafaqada leh ee dabiiciga ah. waa inaad maalinka imtixaanka qaad ku billaabataa cunnooyinka tamarta laga helo, cunnooyinkaasi oo ay ka mid yihiin boorashka, rootiga nafaqada leh oo ay sokor ku jirin ama ay ku yartahay. Sida oo kalana cunnooyinka borotiinka laga helo sida caanaha, caanaha garoorka iyo ukunta. Cunnooyinka kale ee awoodda xifdinta maskaxda sare u qaado waxaa ka mid ah: Ukunta, kalluunka iyo saliiddiisa, hadhuudhka, koostada, kaabajka, xabuubka, avocado iyo khudaarta cagaaran ee kale. Cunnooyinkana waxay ku sii wanaagsan yihiin iney marwalba isku dheella tirnaadaan xilliga ku habboonna uu qaataa 2. Akhriska horey u biloow: Imtixaanka wakhtigiisa inta aan la gaadhin waa inuu qofka uu akhriska billaabo si uu uga yaraado cadaadiska soo foodsaari lahaa marka uu imtixaanka soo dhawaado. qofka wax akhrisanaya marka uu dhammeeyo waxa uu akhrisanayo waa inuu wakhti muraajaca uu sameysto ka hor inta uu imtixaanka gelin. 3. Qorshe dejiso: Qofka akhriska sameeynaya waa inuu sameeystaa qorshe cad oo uu raaco inta uu akhriska ku jiro maalinwalba waxa uu akhrinayo, xilliga uu akhrinayo iyo inta saacadood uu cashar kasta akhrinayo. Haka illaawin qorshahaaga inuu ka mid ahaado layliyo, imtixaanno yaryar iyo tijaabooyin aad adigu iska qaadeyso markasta oo aad cashar akhriskii dhammeyso. 4. Akhriskaaga wakhti geli: Akhriska oo wakhti badan la geliyaa waxay ka mid tahay istiraatiijiyada ugu wanaagsan uu qofku guul ka gaadho sheyga aad wakhti badan gelisidna waxay u badan tahay iney marwaba xusuustiisa kula jirto. Waxaadse ogaataa xeeladaha loo akhristo iyo waadada loo mara iney maadooyinka ku kala duwan yihiin. 5. Adigu tijaaba iska qaad: sida ugu wanaagsan oo aad akhriska guul uga gaadhi kartid isla-markaana wixi aad akhrisataya inaad illaawin gacan ka geysanaya ayaa waxay khubarada dhinaca waxbarashada ku tilmaamaan iney tahay tijaabada uu qofku iska qaado. Farasamadaasi waxay sidoo kale kaa caawineysaa inaad fahanato, inaad xifido iyo inaad dib ugu laabato meelaha aad isleedahay waad ka liidataa. Sida ugu wanaagsan ee aad tijaabada isaga qaadi kartid waxay tahay inaad qoraal ahaan isaga qaaddo ama iney cid kale ku weydiiso. 6. Macalin isu noqo: Haddaba, haddii aad muraajaca sameeysay, tijaabana aad iska qaadday maxaa xigaya? Waxaad aaddaa sabuuradda adiga oo cid kale barayo wixi aad akhrisatay. Qofkale inaad wax barto waxay kaaga baahan tahay inaad si weyn isugu soo diyaariso cashar kasta oo aad dadka kale bari lahayd. 7. Taleefanka gacanta iska fogee: Taleefanka wuxuu leeyahay faa'idooyin badan marka dhanka wanaagga laga eego balse barnaamijyada baraha bulshada uu xiriirkooda fududeeyo taleefanka gacanta inta badan waxay caqabad ku noqdaan akhriska qofka. Tijaabooyin horay loo sameeyey ayaa waxay sheegayaan markasta oo taleefankaaga aad wakhti badan gelisid, inuu hoos u dhacayo natiijada aad imtixaanka ka keeneysid. 8. Jawi degan wax ku akhri: Ardayda jawiga deggan ku akhrista ayaa la ogaaday iney ka natiija wanaagsan yihiin ardayda aan ku akhrisan jawi deggan ama wax dhageysta xilliga ay akhrisanayaan. 9. Wakhti nasasho sameeyso, jimcsina samee: Markasta oo aad cashar ama maaddo akhriskeed aad dhammeyso waa inaad sameeysataa wakhti kooban oo aad ku nasato inta aad akhris kale u gudbin. 10. Hurdo kuugu filan seexo: Habeenki inaad hurda kuugu filan seexato waa lagama maarmaan, ma wanaagsana muraajacada habeenkii hurdada ka hor la sameeyo, waayo waa xilli maskaxdu daalan tahay, hore u jiifso ka bacdi xagga danbe kasoo kac. Xigasho.
@Qormooyiin
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start