View in Telegram
Xikmado Xul ah 1. Baro saddex kaftan oo aan iin laheyn. 2. Soo celi waxyaabaha aad amaahato. 3. Sameyso saaxiibo cusub, kuwii horena aad u daryeel. 4. Dabaaldegga farxadda dib ha u dhigin. 5. Tus ixtiraam macalinkaaga. 6. Jooji dhaleecaynta dadka kale, qaado masuuliyadda meel kasta oo aad joogto. 7. Saacadaada gacanta shan daqiiqo hormari. 9. Shaqo haka tegin ilaa shaqo kale aad hesho. 10. Xaaladaha xun xun adigu wanaaji. 11. Qofna ha ku odhan waa caatowday ama waad baaba'day. 12. Ixtiraam xornimada keli ahaaneed ee dadka, garaacna albaabkooda marka aad galeyso. 13. Todobaadkii baaji hal cunto oo sii waxaad cuni laheyd qof wadada ka tuugsada. 14. Qaado waqti aad ubaxa ku ursato. 15. Si taxadar leh u akhri wax kasta oo aad saxeexayso. 16. Caruurta marka aad la ciyaareyso u ogolow iney kaa guuleystaan. 17. Qofka fursad labaad sii, laakiin mid saddexaad maya. 18. Tallaabo ha qaadin marka aad cadheysan tahay. 19. Haddii aad shaqadaada ku faraxsaneyn is casil. 20. Dadka ku qiimee qalbigooda haku qiimeyn muuqaalkooda iyo maalkooda. 21. Socodku waa jimicsi wanaagsan. 22. Ha u ogolaanin talefoonkaaga inuu kaa dhex galo hawlahaaga muhiimka ah. 23. Shaqaalaha ha siin lacagta ilaa uu dhameeyo shaqada. 24. Bar ilmahaaga qiimaha lacagta iyo dhaqaalaha. 25. Maalin kasta cab sideed litir oo biyo ah. 26. Ixtiraam dhaqamada iyo caadooyinka. 27. Ha ka baqin inaad tidhaahdo khalad baan sameeyey, waan ka xumahay, gacan ama caawimaad aan u baahanahay. 28. Baro sida cuntada loo karsado. 29. Iibso waxyaabaha ay danyartu miisaska ku iibiyaan. 30. Ha u qaadan caafimaadka wanaagsan in lagu siiyey weligaa. W/Q: Cabdulqaadir nuur xuseen (maax) @Qormooyiin
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily