DABCIGA MA-DIIDNIMADA
Dabciga loo yaqaano ma-diidnimada, afka qalaadne lagu dhaho (agreeableness), waa dabci ilaahay ku abuuray dadka qaarkiis, waxaa lagu gartaa inay yihiin dad naxariis badan, caadifad badan, caawinaad badan, bixiya ogolaansho iyo kalsooni aan shardi lahayn, waa "madiide" iyo "madiido".
CALAAMADAHA AY LEE YIHIIN
1. Waa dad ku kalsoonaada qof walba oo ay la tacaamulaan, haday saaxiib noqdaan kuma sii jirto oo waqtigooda iyo juhdigooda way ku bixiyaan, uma arkaan culeys inay dad kale caawiyaan, waliba u dayacaan howlahooda iyo danahooda khaaska ah, taasi waxay ka qaadaan farxad iyo tamar badan.
2. Maadaama ay kalsooni buuxda siiyaan asxaabtooda iyo dadka ay la dhaqmaan, waxay aaminsan yihiin in iyagana sidaa loogu kalsoon yahay, sidaa darteed dadka waxay ula hadlaan si saraaxa ah oo aan gambasho lahayn, waxne ma qariyaan, taasoo mararka qaar keenayso in si qalad ah loo fahmo iyagoo wax xumaan ah aanan ula jeedin falka ama hadalka ay ku dhaqaaqeen.
3. Waa dad bixiya waxa ay heestaan, kamana fakaraan meesha ay ku bixinayaan iyo qaabka ay u bixinayaan, waxay jecel yihiin inay asxaabtooda la qeybsadaan mushaarkooda iyo wixii dhaqaale soo gala, waana dhaqan ay badanaa isku dagaalaan qoysaskooda iyagoo u arka inay umado kale u adeegaan ama shisheeye kalkaal ay yihiin, lacagtaasne uu isaga iyo iyagaba ay ka qadan yihiin. dabcigaan deeqsinimada iyo caawinta kama ahan is-tus-tus.
4. Maadaama aysan diidmo aqoonin oo ay iska ilaaliyaan wax walboo isku dhac keenayo, waxay diyaar u yihiin inay wax walba huraan si aysan asxaab la'aan u noqon, sidaa darteed waxyaabo badan oo aan dan ugu jirin ayay sameeyaan, taasoo badanaa dib ugu soo laabato una keento dhib, haddii lagala taliyo arintaas ama lagu canaantane isma difaacaan oo wax walba "Haye" ayay dhahaan, laakiin dabcigoodii ayay horay u sii wataan.
5. Waa dad la danqado dhibaatooyinka dadka kale, aadne ula murugooda, cudur daar walbana aqbalo, cafintane u sahlan tahay, ma ahan dad cuqdad ku abuuranto. kamana fakaraan inay daalan yihiin iyo inay howl ku jiraan ama u socdaan markii wax looga baahdo, wixii laga dalbado iyagoo faraxsan ayay sameeyaan.
6. Waa dad ka dhex muuqdo ololaha deeq aruurinta, caawinta, gurmadka iyo caawinta bulshada iskugu timaado xafladaha aroosyada iyo meelaha kalaba. waa dad wax loo dirsado, loona wacdo markii caawinaad loo bahdo.
7. Dabeecadahaasi waxay keentay inay yeeshaan asxaab badan, mid xun iyo mid fiican, waana dad aad bulshadu u jeceshahay maadaama ay leeyihiin dabciyo dadka soo jiito, laakiin waa dad dulman oo xuquuqdooda lagu tunto.
MAXAA KU KALIFAYA INEY SIDAN SAMEEYAAN?
Dabcigaan ma-diidnimada, qofka maskaxdiisa waxay dhibsanaysaa diidnimada, wax walbane inuu ogolaado ayuu farxad ku helaa, asxaabta badanne ku ilaashadaa, taas ayaa keenayso in qofka uu geed dheer iyo geed gaabanba u fuulo siduu asxaabtaas iyo farxadaas uu ka helayo u ilaashan lahaa isagoo u luminayo danahiisa guud iyo mid khaasba.
Taas waxay keentay in qofka uu horumar ka gaari waayo noloshiisa dhinaca shaqada khaasatan hadduu shaqo masuulnimo uu hayo, maxaayeelay shaqadii way dayacantaa, waxaana shaqada la maamulo ama ku takri falo asxaabta ka ag-dhaw, sidaa darteed waxaa la yiraahdaa, dadka dabcigaan leh waa laga ilaaliyaa shaqooyinka maamulka la xiriiro aam shaqooyinka u baahan go'aan qaadashada ama wax sixitaanka ama xisaabinta iyo shaqooyinka ganacsiga iyo beec-mushtarka oo u baahan gorgortanka, waana sababta ay niyadjab uga qaadaan shaqooyinkaas haddii loo dhiibo, way isku dayaan shaqooyinkaas laakiin way ku fashilmaan.
Dhibaatooyinka kale ay ka dhaxlaan shaqooyinkaan waxay tahay in lagu shaqeysto oo awoodooda wax ka badan la saaro, mushaarkane lagu yareeyo maadaama aysan wax cabasho ah aysan la imaanaynin. Lasoco qaybta 2aad
W/Q: Dr Abdullahi Mahdi
@Qormooyiin