View in Telegram
Qormooyin
DABCIGA IS-XAKAMEYTA ( Conscientiousness ) Q/2aad. MAXAY KU FIICAN YIHIIN ? 1. Howlkarnimada: waa dad lagu aamini karo shaqadii loo dirsado, sidaa darteed dadka dabciyadaan leh way xiiseeyaan shirkadaha qaarkood. 2. Nidaamka iyo qorsheynta: waa dad aad u ilaaliyo heshiisyada iyo balamaha. 3. Taxaddarka iyo foojignaanta: dhacdhacooda iyo khaladaadkooda aad ayuu u yar yahay, maadaama ay tallaabo walba ay qaadayaan ka sii fakraan iyo waxii ka dhalan doonaba. 3. Guusha: maadaama ay waqti iyo juhdi ku bixiyaan inay hadafkooda gaaraan, badanaa waxay soo hoyaan guul, mustaqbalkoodana horumar ayay ka gaaraan. 4. Kalsooni: waa dad aan cabasho badnayn oo naftooda ku kalsoon, waxay aaminsan yihiin wixii dhib soo waajaho in iyaga qof aan ahayn uusan xallin karin. 5. Dhiiro-gelinta: dadka dabcigaan leh uma baahno in la dhiirogeliyo, sababtoo ah ayagaa isugu filan dhiirogelin. SIDEE LOOLA DHAQMAA DADKA DABCIGAN LEH ? Qofka dabcigaan leh waa lala heshiin karaa 1. Haddii la ixtiraamo xeerarka noloshiisa u dagsan. 2. Haddii waxa aad ka damacsan tahay aad waqti hore la sii socodsiisid sida haddii aad soo booqanaysid iyo haddii aad howl uga baahan tahay. 3. Haddii howlaha ay hayaan aadan ka mashquulin ama aadan fara gashan waad is dabci keenaysaan. W/Q: Dr Abdullahi Mahdi.
@Qormooyiin
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start