Ilaali Sharaftaada: ✅ in aad cuskato Ul ayaa kuu dhaanta in aad cuskato Garab aan ku doonayn. ✅ ha u samaynin Arrin aan suuraggal ahayn Cid aan kuu samaynayn Arrin suuraggal ah. ✅ ha khasaarin Naftaada adiga oo ilaalinaya Cid aan ka murogoonayn waayitaankaaga.
Qodobbada uu Sheekh Cabdikariin Xasan Xoosh (Ilaahay ha dhowro'e) kaga hadlay Muxaadaraatkiisa uu kaga hadlayay Kufriga, Noocyadiisa iyo Qawaacid gaalaysiinta ku saabsan: ١. معنى الكفر. ٢. مراتب الكفر. ٣. أنواع الكفر. ٤. الكفر قولٌ وعملٌ واعتقاد. ٥. التّكفير حكمٌ شرعيٌّ، فلا تكفيرَ إلّا بنصٍّ صحيحٍ صريحٍ خالٍ من مُعارِضٍ مُقاومٍ، أو بإجماعٍ صحيح. ٦. ما كان كفرًا بذاته فلا يُشترط له جَحْدٌ ولا استحلالٌ ولا اعتقاد. ٧. من ثبَتَ إسلامُه بيقينٍ لم يَزَل عنه إلّا بيقين. ٨. التّكفير نوعان، مطلقٌ ومعيّن، وشروطُ كلٍّ منهما. ٩. من قال أو فعل ما هو كفرٌ كفَر وإن لّم يقصِد أن يكون كافرا. ١٠. لا يُؤاخذُ الشخصُ بلازمِ قوله إلّا إذا علِم لازمَه والتزم به. ١١. ما يَنقُض الإيمانَ يَستوي فيه القليلُ والكثير. ١٢. ما أمكن أن يَجهل المسلمُ تحريمَه فإنّه يُعذرُ له بالجهل.
Canjaladahaa waa in loo noqdaa oo aad loo dhuuxaa, Maanta waxa ay maraysaa in laga doodo; Dawladdaa Cusub ee u dhalatay Somaliland, ma Dawlad gaala ah baa mise waa Dawlad Islaam ah!!
Magaca “Muxsiniin” oo ah “Samafalayaal” Qur’aanka waxa uu ku soo arooray 33-goor. Mar waa loo bushaaraynayaa, marna abaal marintooda layaabka leh baa laga warramayaa, marna Alle in uu jecel yahay baa la sheegayaa, —lix goor buu Alle sheegay in uu jecel yahay— marna in Alle la jiro ayaa la sheegayaa, marna dad mu’aamarad bilaa tudhaale ah loo maleegey oo Alle badbaadiyey ayaa inta uu Alle ka warramo uu sheegayaa sababta badbaadadoodu in ay ahayd in ay ahaayeen Samafalayaal. Mar wanaag dheeraad ah oo u sugnaaday baa loo sheegayaa, mar raxmadda Alle in ay Muxsiniinta agtooda ahaatay baa la sheegayaa, mar Alle in aanu ajarka Muxsiniinta dayici doonin baa la sheegayaa, —afar goor buu Alle ku soo celceliyey in aanu ajarkooda marnaba dayici doonin—.
Samafalka ogaada, wakhti adag baa lagu jiraaye dadka Masaakiinta ah ka warhaya, wakhtigii dhaxanta ayaa la galaye hal Buste haddii aad ku caawin karto Masaakiin gabadano hayso ku caawi, hal qof ama laba qof haddii aad fiiga Qur’aanka ka bixin karto ka bixi waa samafal Alle agtiisa ku wayne, kuwo dherigu saabka kaga jiro haddii aad hal maalin dabka u shidi karto u shid, dadka wax-haysta in aad caawinta Masaakiinta ku baraarujisaa yaanay kula yaraan. Saddex meelood oo kala duwan oo uu Alle kaga warramay Qur’aanka dad Ehlu-naar ah oo la cadaabey, sababihii lagu cadaabey waxaa ka mid ahayd in aanay isku boorrin jirin quudinta Masaakiinta, lama odhan “Masaakiinta ma aanay quudin jirin” ee waxaa la yidhi: “Iskuma aanay boorrin jirin quudinta Masaakiinta”. Markaa yaanay kula fududaan in aad Masaakiinta u hadasho oo quudintooda dadka xasuusiso.
Carabtii hore waxa ay ku naanaysi jirtay, Ninka Doobka ah ee Guurka ka raaggay "Eyga Saaxiibkii" Kalinimada iyo Silica haysta Doobka iyaga oo ku tilmaamaya.
Gabyaaggii Carbeed waxa uu yidhi: وليس أخو الكلب ابن كلب وكلبة ولكن أخو الكلب الذي كان أعزبا "Eyga Walaalkii maaha ka Eyga iyo Eeyaddu ay dhalaan, ee waxa weeye ka Doobka ah ee Guurka ka raaggay"
Mid kale waxa uu lahaa:
إذا أنتَ قاربتَ الثّلاثين أعزبا فأنتَ وكلبٌ في الفِناء سواء "Haddii aad Soddon jir ku dhowaato Adiga oo Doob ah, Adiga iyo Ey Saxare joogga waxba kuma kala duwanidin"