Qof ka muslimka ahi marwalba waxaa uu rumaysan yahay in uu ilahay gacantiisa ku jiro, mana rumaysna in uu aduunka ugu caqli badan yahay, iyo isla wayni midna. Markaa Illahay wuxuu ina baray marka oo aynu is hortaagno in aynu nidhaa. إِيَّاكَ نَعْبُدُ وَإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ ''Illaahow adaanu ku caaabudayna kaligaa, kaligaa baanu kaa kaalmo dalbaynaa'
"War Miyeysan Dhulka kusocon oo ayan lahayn qalbiyaal ay wax ku gartaan ama dhago ay wax ku maqlaan'dhabtu waxay tahay duulku ma indho beelin ee waxay beeleen caqliga laabta ugu jira".
In kasta oo uu Cilmiga Aadanuhu wali go’aan kama dambeys ah ka gaarin halka uu Caqliga jirka Bani Aadamka kaga jiro misana waxay in muddo ah u joogtaa inay maskaxdu tahay barta garashada ee uu Caqliga dagan yahay, Quraankuse wuxuu sheegay inuu Caqligu ku jiro laabta Aadanaha sida Aayadda sare ku cad,sidoo kale wuxuu Quraanku sheegay mar kale in Maskaxda qudheedu muhiim u tahay garashada oo haddii uu dhaawac gaaro ay burburayso.
“Xaqa ayaan baadilka ku ganeynaa kolkaas ayuu Maskaxda ka abaarayaa oo uu burburinayaa”. ✍
Halkanna waxaa ku cad in Quraanku uu sheegay in Maskaxdu tahay bar muhiim u ah fulinta caqliga iyo garashadiisaba oo haddii ay wax gaaraan uu burburayo insaanka iyo ogaalkiisaba. 💯
Waxana dhici karta in uu Caqliga labada meelba saameyn ku leeyahay, ilaah baase xaqiiqda garan. 🙂
• Ka laab aduunyada indhahaaga. • Qalbigaagana ka jeedi. • Kana digtoonow siday kuwii hore u halaagtay inay ku halaagto. • Waxaan arkay lagdankeeda. • Waxaan goob joog u ahaa raadka xun ay ku reebtay dadkeeda. • Siduu u arraday kii ay huga u xirtay. • U gaajooday kay quudisay. • U dhintay kay noolaysay.