View in Telegram
Dacwah Channel
ISLAAMKA IYO ISTICMAALKA CAQLIGA.
🕋
⚡️
🧠
Ceebta jirkaada waxaa asturi kara laba ama saddex mitir oo Maro ah,laakiin ceebta Caqligaada waxaa muujin kara hal su’aal oo uu ku weydiiyo Qof xog-ogaal ah oo wax kaa weydiiya Curis aad ka caagan tahay,ee cibro qaado oo camir Caqligaada intaan ceebtiisa loo tagin. Waxyaabaha Caqliga lagu camiro waxaa ugu horeeya Cilmiga iyo ogaalka oo lagu kabay fikirka iyo aragti dheerida ay la socoto ruugidda ra’yiga iyo rogtogidda umuuraha inta aadan ku hawl galin ka hor. Kolka intaa laga soo tago wax is weydiin ogaalka iyo maciinsashada midka aad ogtahay inuu kaaga macluumaad badan yahay meesha aad markaa doonayso inaad maaro oga hesho waxa maankaaga ka guuxaya iyana waa mitaal sare oo muuneeya caqliga. Dowrka caqliga oo la dayacaa waa daano weyn iyo dulmi laga galayo insaanka iyo daadihinta noloshan loo igmaday inta dunida guudkeeda la saaran yahay. Diinta Islaamka oo ah diintii ugu dambeysay diimaha Samada laga keenay waxay dadka u darabtay inay mar kasta dul joogaan daliilka Caqliga oo uu hagayo daliilka hadyiga xagga Allaha daa’imka ah ka yimid.
💙
Ilaahay wuxuu yiri :- "فَاعْتَبِرُوا يَا أُولِي الْأَبْصَارِ " “Waansama oo garashada rogroga oo wax ku qaata waayaha kuwan Caqli ay wax ku fahmaan la siiyayow”. Wuxuu kale oo Alle yiri :- أَفَلَمْ يَسِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَتَكُونَ لَهُمْ قُلُوبٌ يَعْقِلُونَ بِهَا أَوْ آذَانٌ يَسْمَعُونَ بِهَا ۖ فَإِنَّهَا لَا تَعْمَى الْأَبْصَارُ وَلَٰكِن تَعْمَى الْقُلُوبُ الَّتِي فِي الصُّدُورِ (46) "War Miyeysan Dhulka kusocon oo ayan lahayn qalbiyaal ay wax ku gartaan ama dhago ay wax ku maqlaan'dhabtu waxay tahay duulku ma indho beelin ee waxay beeleen caqliga laabta ugu jira". In kasta oo uu Cilmiga Aadanuhu wali go’aan kama dambeys ah ka gaarin halka uu Caqliga jirka Bani Aadamka kaga jiro misana waxay in muddo ah u joogtaa inay maskaxdu tahay barta garashada ee uu Caqliga dagan yahay, Quraankuse wuxuu sheegay inuu Caqligu ku jiro laabta Aadanaha sida Aayadda sare ku cad,sidoo kale wuxuu Quraanku sheegay mar kale in Maskaxda qudheedu muhiim u tahay garashada oo haddii uu dhaawac gaaro ay burburayso. "بَلْ نَقْذِفُ بِالْحَقِّ عَلَى الْبَاطِلِ فَيَدْمَغُهُ فَإِذَا هُوَ زَاهِقٌ ۚ.." “Xaqa ayaan baadilka ku ganeynaa kolkaas ayuu Maskaxda ka abaarayaa oo uu burburinayaa”.
✍
Halkanna waxaa ku cad in Quraanku uu sheegay in Maskaxdu tahay bar muhiim u ah fulinta caqliga iyo garashadiisaba oo haddii ay wax gaaraan uu burburayo insaanka iyo ogaalkiisaba.
💯
Waxana dhici karta in uu Caqliga labada meelba saameyn ku leeyahay, ilaah baase xaqiiqda garan.
🙂
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start