Mohamet Ahmet™

Канал
Логотип телеграм канала Mohamet Ahmet™
@MohametahmedПродвигать
12,11 тыс.
подписчиков
204
фото
10
видео
41
ссылка
Ha sugin soo laabashada qof tagay, qofkii dhab kuu jecel lagama yaabo inuu maqnaado.!!!
Ninbaa qabay laba Xaas midna waa u jeclaa oo farxadeeda ayuu ka shaqeyn jirey, midna waa uu hagardaameyn jirey oo mida kale ayuu madiidin iyo adeegto uga dhigey.

Tan uu jecelyahay ayaa maamusha,xoolaha ikshinka ah oo dhan.

Tan kalena Adhi keliya oo aan weliba badnayn ayaa hanti u ahaa, tan la dhibaateeyey ayaa samaysa dhammaan agabka guryaha, Dhigaha, loolka, udbaha,Aloolka, Hararada, Kebbada, saamaha, Weedhka iyo haamaha.

Ta lajecelyahay baana qoondeysa sida loo maamulayo ama loo qaadanayo.

Tan la jecelyahay Aqal laba daryaale ah ayey degan tahay oo loo dhisaa, tan kalena Buul cooshad ah oo dal daloola.

Tan la jecel yahay weel walba caano iyo subag kala duwan baa uga buuxa, Sixin ka yimid ib xoolaad,Xuuko laga shiiley Kurus, Xaydh adhi iyo Subag badhiyeed, Heen laga miirey lafaha geela .

Halka ta kale wax ay wax ku iidaanto aysan haysan.

Iyadoo sidaa loo kala saarey ayay labadoodiiba laba habeen oo isku xigta Uur wada qaadeen.

Tii boqorada la jeclaa iyaday tan kale u adeegtaa. Tan kale diif, darxumo, dil iyo daqaraa u dheer hagardaamada.

Waxaa habeenkii dambe wada fooshay, labadii haweenka ahayd, Nasiib wanaag waxaa habeenkaa u hoyatey haweenaydii dhibaateysnayd islaan socota ah, iyada oo baaxaadegaysa ayaa islaantii socota ahayd u baxday oo ka foolisay, kaddibna waa ka umulisay wiil bay dhashay caafimaad qaba, waa qof daalane hurday biliq la tidhi odaygii qabaybaa u yimid islaantii socotada ahayd ka codsadey tii uu jeclaana in ay caawiso, Ayaandarrose ilmo Mayd ah ayey dhashay.

Odaygii baa islaanta wareystay, waxa ay u sheegtay in ay u socoto reerkoodii iyo reerka qabo col yihiin in ay xoolo iyo dhibaad ka rabto, oo abaartii kal hore iyo cuduro xoolihii ka dhameeyeen.

Odaygii baa yidhi”Xoolo intaad rabto anigaa ku siinayee, mid ii samee, Naagtaasi ilmaha ay dhashay tan u keen taasna midka dhintey hoosta u geli, hana i sheegin.

Islaanti taladii xumeyd waa yeeshay 40 adhi ah iyo Awr buuxa agab iyo Badarna wuu siiyey.

Islaantii la necbaa waxa uu ka dhaadhiciyey in ay ilmihii yaraq ku seexatey oo dishay, iyana waa rumetsatey iyadoo ooyeysa….

La soco qaybaha kale.
Sheeko qaybta (1waad)

Hooyo mcn
Caku Naag La'aaneey
Nolashani Qadhaadhaa
Kalinimadu Naafiyo
Naxdin iyo Dhib Waynaa
Qabriyada waxaa ka buuxa dad badan oo ku fakiri jiray markaa weynaato ayaad wax wanaagsan sameynaysaa ama sanadka dambe ayaad is bedel sameynaysaa! Ma jirto qof lagula ballamay inuu sii noolaanayo ilaa uu waayeel noqdo. Ha sugin waqti kale, Hadii saaka waaga kuu baryay, Ilbiriqsi kasta aad neefsaneyso waa fursad kale oo Alle ku siiyay ee ka faa’iideyso
Marnaba ha ka quusan wax aad si dhab ah u rabto, way adag tahay in la sugo, laakiin waxaa ka sii daran inaad ka shalaydo
Faynuustu ma hadasho. Waxay isku soo bandhigtaa iftiinkeeda. Kuwa guuleystay marnaba ma aha inay naftooda buun-buuniyaan, balse waxqabadkooda ayaa la rabaa inuu soo bandhigo oo hadlo
Mowduuca: saamaynta dagaalka bariga dhexe iyo qaza uu ku leeyahay somalida.

Kala soco doodan oo ka qabsoomi doonta kanaalka DAREEN BULSHO

Taariikhda: 28/9/2024 9pm habeenimo

La socod wanaagsan
Dunida waa maalmo Nasab iyo Nacasba wanaaji🫡
Nin Boqor ahaa ayaa wuxuu lahaa Meel ay ku Xareysan yihiin 10 Eey oo Dad cun ah, Qofkii Dambi Sameeya ayaa lagu Dhex Tuuri jiray meesha ay Reyuhu ku jiraan.

Maalin Maalmaha ka mid ah Nin Shaqaale u ahaa Boqorka oo u Shaqeynayay Muddo 10sano ah ayaa Dembi Galay, kadib wuxuu Boqorkii Amray in Ninkaas lagu Tuuro Eeyaha Xeradooda.
Ninkii ayaa ka Codsaday Boqorkii in la siiyo Fursad 10 Maalmood ah, ka hor inta aan la Dilin, Codsigiisana waa laga Ogolaaday.

Ninkii wuxuu Aaday meesha Eeyuhu ku jiraan, wuxuuna Weydiistay Ninkii Eeyahay Xanaaneynayay oo Eeyaha Masuulka ka ahaa, inuu mudo 10maalmood ah ka Shaqeeyo meesha oo uu Eeyahay Xanaaneeyo, Ninkii Eeyahay Masuulka ka ahaana wuu ka Aqbalay Dalabkiisa.

Wuxuu Bilaabay inuu Eeyahay Quudiyo, la Ciyaaro, isagoo ugu Dambeyn ka Dhigtay Saaxiib ay aad u Jecel yihiin.

Waxaa la Gaaray Mudadii la Dili lahaa Ninkii, waxaana lagu Dhex Tuuray Halkii ay Eeyuhu ku jireen, balse waxaa Boqorkii iyo Dadkii u soo Daawasho Tagay Ciqaabta Ninka ay layaab ku noqotay in Eeyihii oo Dhammi Ninkii ku soo Ordeen oo ay Bilaabeen inay Korkiisa Fuulaan oo Hareerihiisa Istaagaan ayagoo aan Wax Dhib ah u Geysaneyn.

Boqorkii ayaa Weydiiyay waxa uu Eeyaha ku Sameeyay, Ninkii wuxuu ugu jawaabay:-
Eeyahaan waxaan u Shaqeynayay Muddo 10maalmood ah, mana aysan iloobin Abaalka aan u Galay, balse Adiga waxaan kuu Shaqeynaayay Muddo 10sano ah, Hal Maalin oo aan Qalad Galay ayaad ku iloowday Abaalkii aan ku soo Sameynayay 10kii sanno.
****
XIGMADA SHEEKADA WAA: Haddii uu Qof Qalad kaa Galo, Xanaaqu yuusan ku Gaarsiin inaad Hilmaanto Abaalkii iyo Wanaagii badnaa ee Qofkaas hore kuugu Sameeyay
Dabeecada xumi waa taayar banjaray oo kale meel fog kuma gaarsiinayso hadii aadan badalin”,Hadda ka hor laba waalid ayaa iswareystay waxayna iska wareysteen mid ka mid ahaa awlaadooda waxay isku dheheen ugu danbayntii hebel meeshuu tago ciil ayuu u dhiman taas oo loola jeedo yacnii hebel dabeecad maleh, Qofku hadii dabeecad lahayna waxaa ku adag dhexgalka bulshada , marwalba oo aad  dabeecad wanaagsan leedahayna waa Mar walboo oo aad nolosha guul ka gaari karto wayo waxaad garaneysaa qaabka dadka loo kasbado
Saaxiibtinimadu ma aha qofka aad waqtiga ugu dheer taqaanay. Saaxiibku waa qofka intuu kuu yimaado ku yiraahdo; anigaa halkan kuu jooga oo ku garab taagan, ficilna ku cadeeya
╚═══════☆♡☆═══════╝
┗━━━━━•❅•°•❈•°•❅•━━━━━┛

Somali Promotion
━━━━━━━━━━━━━━━━
🕋 𝗗𝗜𝗜𝗡𝗜 🕋
📖 @Diinteenna_Macaan
🌟 @Al_xakiim
@Quruxdaislaamka
🌼 @Hidaayatu_Rabi
🌸 @hogaan_Dumar
🌺 @Dhaqan_wanaag
💫 @TAMARSIINTARUUXDA
━━━━━━━━━━━━━━━━
🏆 𝗗𝗛𝗜𝗜𝗥𝗜𝗚𝗜𝗟𝗜𝗡 & 𝗫𝗜𝗚𝗠𝗔𝗗𝗢 🏆
💡 @XikmadoSom
🏅 @Dhiiragaliye
📚 @AishaAhmed99
🧠 @QalbiDhaye143
📘 @kalimakariim
📝 @xaqiiqadanolosha
🔥 @Albaanichannel252
🌟 @Ruuxda
━━━━━━━━━━━━━━━━
🌷 Jacaylka & Oraahyo 🌸
💬 @Dareen_side
❤️ @Hasancaashaq
🌹 @daren_jaceyl
💫 @Mohametahmed
🦋 @Noqoxiddig
🌟 @FAAIDOCHANEEL
🎨 @DunnidaSuugaanta
━━━━━━━━━━━━━━━━
🎓 AQOON & FASAALO 🎓
📖 @maanhage
🛠️ @farsamada
🎓 @KobciAqoontaada2
🌟 @guuleyso11
━━━━━━━━━━━━━━━━
📚 BUUGAAG 📚
📚 @somalibooks
🏛️ @Somalilibrary
📘 @kobciyebooks
━━━━━━━━━━━━━━━━
 ◤──••──◥
 ▐░░░░░░░░░░░░░▌
⭐️ JOIN ALL CHANNELS
https://t.center/dareenbulsho
◣──••──◢
💫 Ku Sali Nebiga SCW 💫
∴.·:¨¨:·. ☙.·:¨¨:·.♡
Please open Telegram to view this post
VIEW IN TELEGRAM
Ogsoonow in hadda ay tahay daqiiqad oo haddii aadan si caqli-gal ah u isticmaalin, waxaad ka shallayn doontaa maalin uun.
Hadii u run noqdo waqtiga uu qabsaday Mohamet yaa layiraahda😂
Asc. Maxamed. Sheikh. Fikradaha. Cajiibka ah. Haga. Tusaala qaato. Miskaxda. inaa. Kashaqeeysiiso. Weeyficantahay. Waayo ah miskaxdu. Wexey ubaahantahay. Mashquul. Hadii la mashquuliyo. Wee. Shaqeen. Hadiikale. Weey xariisa.
Asc
Aduunyadu waa maslo waa midaba cayn macaan iyo waa qaraar Mar xaladey soo martaa maantiyo shalay baa isu xiga macalin weeye waqtigu murtina waalaga dhexlaa🥴
Alle xumaanta hanaga madoobeyo🤲 oo qayraadka hanoo furo
Qiso

Wiil baa laxeray kaa oo dhib geystay kadib baa hooyadiisa wiilka u tagtay qaadi kaasoo
Ay ka dalbatay inuu wiilkeeda u naxariisto xukunkama uu qafiifiyo basle wiilka iyo qaadiga wax xukumaaya wayba isku dhacsan yihiin oo dagaal baa ka dhexeeya hooyadana way ogtahay markey u tagtay Bay tiri qaadiyow inanka igu naxariiso

Wuxuu yiri lawa warqad baan qoraaya taaso ku xusan hala dilo yaan ladilin wey oysay
Waxayna aaday dhankii wiilkeeda waxayna tiri hooyo sidaa buu yiri qaadiga

Balse qaadiga wuxuu sameeyay lawadii warqadba dil buu ku qoray si uusan u bad baadin inanka

Inankii ayaa lootagay oo lagu yiri lawada warqad mid dooro mid buu qabtay wuuna liqay dadkii baa yaabay oo yiri War maad waalan tahay maxaad u liqday warqada

Wuxuu ugu jawaabay lawada warqadood midaan laqay iska daaye mida kale maxaa ku qoron Mar la eegay waxaaba ku qoran hala dilo

Wiilki ayaa lafahay qaadiga inuusan marna cafineynin😂
Ещё