View in Telegram
Madxafka Taariiqda (the museum of History)
PART 1 90 Days Challenge: Dopamine Fasting iyo Is-xakameyn Dopamine fasting waa hab lagu hagaajiyo awoodda is-xakameynta (self-discipline) iyo maskaxda iyadoo la yaraynayo ama la joojinayo ficillada ama caadooyinka keena raaxo degdeg ah. Ficilladaas waxa ay xoojiyaan dareenka dopamine, oo ah kiimiko maskaxda ku shaqeeyo oo qofka dareensiiya farxad ama raaxo marka uu sameeyo waxyaabo sida cunista cunto macaan, daawashada muuqaalada dijital ah, ama ficillo kale oo kiciyo raaxadaas sabaysa in kiimikada dopamine-ka uu soo kaco. Maxay tahay 90 Days Challenge? 90 Days Challenge waxaa loola jeedaa in la sameeyo is-xakameyn joogto ah muddo 90 maalmood ah, iyadoo laga fogaanayo waxyaabaha kor u qaada dopamine-ka si loo hagaajiyo awoodda jidhka iyo maskaxda ee wax qabadka sare. Markaad sameyso caqabaddan, waxaad la kulmi doontaa is-bedel muuqda oo xagga maskaxda ah, waxaana sii xoogeysaneysa awooddaada inaad naftaada xakameysogaar ahaan marka ay timaaddo go'aan qaadashada iyo caadooyinka caafimaad qabka ah.
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start