View in Telegram
Madxafka Taariiqda (the museum of History)
PART 2 Faa'iidooyinka Dopamine Fasting 1. Is-xakameyn Sare: Waxa ay ka caawisaa qofka inuu ka adkaado caadooyin xun ama kuwa raaxo degdeg ah keena. Waxaad baran doontaa inaad wax badan sameyso adigoo aan ku tiirsaneyn farxad degdeg ah. 2. Diiradda iyo Fekerka Sare Maskaxdaada waxay baraneysaa inaysan ku kicinin waxyaabo degdeg ah, taas 0o kuu horseedi karta inaad si qoto dheer wax u fakarto ama aad diiradda saarto hawlaha muhiimka ah ee mudada fog faa'iido leh. 3. Horumar Nafsadeed: Dopamine fasting wuxuu kaa caawinayaa inaad xoojiso maskaxdaada iyo rabitaankaaga si aad u gaarto hadafyadaada muddada dheer. Tani waxay kugu dhiirri-gelinaysaa inaad diyaargarowdo caqabadaha nolosha adigoon u jixinjixin raaxo degdeg ah. 4. Soo Noqoshada Tamarta Maskaxda, Haddii aad wagti badan geliso raaxada degdeg ah sida baraha bulshada, dopamine fasting wuxuu kuu noqon karaa fursad aad dib ugu hesho tamarta maskaxda iyo awoodda aad wax u qabaneyso, adigoo dareemaya xasilooni iyo tamar cusub.
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start