Markii aan 39 sano jirsaday waxa aan u guuray gurigayga oo ku yaalla Ingiriiska. Tani waa hadafkaygii ugu waynaa ee aan gaadhay ka dib muddo 7 sano ah oo aan nadifiye ka shaqaynayay.
Marar badan waxa inna niyadjabiya waxa ay dadku innaga odhan doonaan marka aynu u sheegno waxa aynu ka shaqayno markaynu joogno dalalka Qurbaha. Anigu ma tixgelinayo waxa aad ka odhanaysid shaqadayda, mar haddii aan cuntadayda ku filanahay, biilkaygana iska dabbarayo oo biilasha bixinayo
Haddii aad doonaysid in aad halkan oo kale gaadhid jooji lacagtan aad ku bixinaysid waxyaabo aan berri ku anfacayn, cabbitaan qaaliya, iyo in aad ka iibsatid dhar qaaliya.
Sannadkan, shay kaliya ayaan dhar cusub soo libsaday, dhammaan dharka kale ee aan soo libsaday waxa ay ahaayeen Huudhaydh, waxayna ahaayeen dhar si wacan ii leeg.