Sida Looga Hortago in lacagtu ay Burburiso Xiriirkaaga/Guurkaaga
Lacagtu waxay noqon kartaa isha isku dhaca iyo cidhiidhiga xiriirka.
Waa kuwan qaar ka mid ah siyaabaha lagu hubin karo in lacagtu aysan caqabad ku ahayn badqabka jacaylkaaga:
1. Jeclow Qofka, lkn Lacagtu yaanay noqon sababta aad qofka u jeceshahay. Ogoow Jacaylku maaha fursad ganacsi.
2. Si wada jir ah uga shaqeeya kobaciina dhaqaale, jacaylku waxa uu dhiirigaliya in lammaanuhu ay horumariyaan ama koriyaan dhaqaalahooda lkn ma dhiirigaliyo in sidii dad dayn isku leh in ay lammaanuhu calculator isku qaataan.
3. Si wada jir ah u sameeya Go'aamo Dhaqaale.
Ka tala gali lammaanahaaga go'aamada maaliyadeed ee aad qaadanaysid, waxa ayna sare u qaadi doontaa aaminaadiina iyo jacaylkiina.
4. Ku noolaada nolol idin ku filan: haku bixinina dhaqaalihiina wax ka badan waxa aad helaysaan, noqda kuwa dhaqaale ahaan edeb leh oo qorshe mustaqbal leh.
5. Ha u isticmaalina dhaqaalaha sida hub dhexdiina yaal: ka fogaada xad-gudubka ama caga-juglayn dhaqaale gaar ahaan waqtiya murun idin soo dhex galo.
6. Iska ilaaliya in aad ku dayataan lammaane kale waayo isku heer dhaqaale ma tihidin isku baahi ma tihidin isku nololne ma tihidiin.
Ku dhufo
๐ Booqo