Dunida Suugaanta✨🥰

Channel
Logo of the Telegram channel Dunida Suugaanta✨🥰
@DunnidaSuugaantaPromote
18.01K
subscribers
2.67K
photos
96
videos
29
links
"Sida jidhkaaga oo kale ayay maskaxdaaduna u daasha, ee ku nasi odhaahyada xikmada leh" ~Hazrat Ali
To first message
"Waxaan jeclaan lahaa in aynu jacayl yar helno si aynaan u dhibtoon wax badan. Ma jiro qof si saa'id ah u dhibtoonaya, marka laga reebo in uu aad u jecel yahay"

- Mahmoud Darwish
“Jacaylka laguma qiyaaso maqnaanshaha khilafaadka iyo mashaakilaadka, balse waxa lagu qiyaasaa in labada dhinac ay awood u leeyihiin in ay ka gudbaan oo ay ilaashadaan dareenka jacaylka iyo is ixtiraamka.”
– isaga; o xabiibi markaad aragtay eyaasha maad ka baqdaa maxaad iigu soo oroday

= iyada; Sannad baan kula socdaa e maan kaa baqo

Atttttttt
"Noloshayda oo dhan waxa aan sugayay qof adiga oo kale ah, waan dareensanaa in aan maalin uun la kulmi doono qof adiga oo kale ah"

- Fyodor dostoevsky
= iyada; Miyaad guursatay?
– isaga; Haa waan guursday
= iyada; Miyaad jeceshahay iyada?
– isaga; Haa
= iyada; Miyaad i ilaawaysaa?
– isaga; May, May weligay kuma ilaawi doono
Dr Mustafa Maxamuud buugiisa ( Nolosha iyo jaceylka) waxaa ku qoran

Funaanada ama marada jirkaaga ku jirto ma dareemaysid ilaa markaad iska bixin rabtid ama aad xiranaysid maahe

Hadana saacado badan ayaad xirantahay mana dareemaysid,jirkaaga ayay tabanaysaa way ku xoqeysaa.

Guurkana waa sidaas oo kale markaad guuursanaysid waad dareemaysaa,sidoo kale isbarashada kowaad,iyo waraaqadaha jaceylka aad isku qoraysaan,todabada markaad gashaan waad dareemaysaa,laakiin markaad gudaha u gashid ma dareemaysid wuxuu noqonayaa guurka sida funaanada ama maro aad xirantahay oo kale ama alaab guriga taallo oo kale maalinka koowaad aad keentid waad arkaysaa laakiin maalmaha xiga caadi ayuu kula noqonayaa,ama daaqadda markaad furtid oo kale oo aad aragtid muuqaal qurxoon muddo kadibna waad la qabsanaysaa quruxdaaa waxayna kula noqonaysaa arin caadi ah sidaaso kale guurka waxaa dareemaysaa qofka markaad isku dhacdaan kaliya

Guurka farxadda leh waa kan labada qof ay u wada noolanayaan si farxad leh oo joogto ah ilaa ay kala daalaan!

Sababta maxay tahay ? Sababta waxay tahay dareemeheenna waxay u sameysanyihiin kala guurka iyo kala tagga inay dareemaan oo aysan dareemin wax joogtada ah

Daaqadda gurigaaga fur isla markiiba waxaad maqlaysa sawaxan iyo shanqar xogaa yar kadib shanqartaas iyo dhawaqaaas wuxuu kula noqonayaa wax caadi ah ama aadan dareemaynin.

Markaad fuushid wiish dhaqaaqa ugu horeeyo waad dareemaysaa laakiin intuu socdo ma dareemaysid hadana markuu istaabo waad dareemaysaa.

Qoraxda marka ugu horeyso aad banaanka usoo baxdid indhaha ayay ku xanuujinaysaa xogaa kadibna caadi ayaad dareemaysaa

Cafimaadka intaad haystid ma dareemaysid laakiin markaad xanuunsatid waad dareemaysaa.

Markaad xasbi gashid marka ugu horeyso culeyskaaga is dhimayo,meesha waad dhibsanaysaa cariirigeeda iyo hawo yarideeda laakiin muddo kooban kadib waxaad is arkaysaa adigoo cuntada aad u cunayo oo meshii cariirga ah la qabsaday oo cayilay.

Wax walboo joogto ah dareenkeena ayuu dilayaa sababtoo ah dareenkeena wuxuu ka sameysanyahay wax dhamaanayo

Lacagta waxaan dareenna markaan wayno
Cafimaadka waxaan dareenna markaan wayno

Jaceylka waxaan dareenna marka aan wayno
Dunida ma jiro fan La mida heesta hooyadu ubadkeeda ugu heesto.. .❤️


– Billy sunday.
"Dawada ugu wanaagsan ee jidhku waa maskax deggan o xasiloon".

-Napoleon Bonabrte
Forwarded from Cabdiphataax_Jd
🔵 Kacaanka ⤵️⤵️ Telegram
━━━━━━━
🕋 𝗗𝗜𝗜𝗡𝗜 🕋
[ 📥 JOIN ]┌ @Diinteenna_Macaan
[ 📥 JOIN ]├ @Al_xakiim
[ 📥 JOIN ]├ @Quruxdaislaamka
[ 📥 JOIN ]├ @Hidaayatu_Rabi
[ 📥 JOIN ]├ @hogaan_Dumar
[ 📥 JOIN ]└ @Dhaqan_wanaag
━━━━━━
🏆 𝗗𝗛𝗜𝗜𝗥𝗜𝗚𝗜𝗟𝗜𝗡 𝗜𝗬𝗢 𝗫𝗜𝗚𝗠𝗔𝗗𝗢 🏆
━━━━━━
[ 📥 JOIN ]┌ @XikmadoSom
[ 📥 JOIN ]├ @Dhiiragaliye
[ 📥 JOIN ]├ @Mucaashaq_Jacayl
[ 📥 JOIN ]├ @AishaAhmed99
[ 📥 JOIN ]├ @kalimakariim
[ 📥 JOIN ]├ @xaqiiqadanolosha
[ 📥 JOIN ]├ @Albaanichannel252
[ 📥 JOIN ]└ @Ruuxda
[ 📥 JOIN ]└ @QalbiDhaye143
━━━━━━━
🌷 Jacaylka & Oraahyo 🌸
━━━━━━━
[ 📥 JOIN ]├ @Dareen_side
[ 📥 JOIN ]├ @Hasancaashaq
[ 📥 JOIN ]├ @daren_jaceyl
[ 📥 JOIN ]├ @Mohametahmed
[ 📥 JOIN ]├ @Noqoxiddig
[ 📥 JOIN ]└ @DunnidaSuugaanta

━━━━━
🎓 𝗔𝗤𝗢𝗢𝗡+𝗙𝗔𝗦𝗔𝗟𝗢 🎓
━━━━━
[ 📥 JOIN ]┌ @maanhage
[ 📥 JOIN ]├ @farsamada
[ 📥 JOIN ]└ @KobciAqoontaada2
━━━━━━━
📚 𝗕𝗨𝗨𝗚𝗔𝗔𝗚 📚
━━━━━━━
[ 📥 JOIN ]┌ @somalibooks
[ 📥 JOIN ]├ @Somalilibrary
[ 📥 JOIN ]└ @kobciyebooks

━━━🔺━━
💎Presented by @zomalibot
━━━━🔻━━
"Maanta waxa aan u talaabsaday si tartiib ah kaddib markii aan ordayay muddo dheer cabsi aan ka qabo in aan wax seego, wax walbana waan seegay."

- Maxamuud Darwiish
Maalkaga xabaasha uma qaadan kartid , laakiin waxa aad awooda in aad ka yeesho in uu halkaa kugu soo dhoweeyo.

Weedha gidaarka ku xardhan
Billioneer Steve Jobs oo ka mid ahaa maalqabeenada ganacsiga ee dalka Mareykanka ayaa geeriyooday , maamulaha shirkadda Apple ayaa u dhintay xanuunka kansarka isaga oo da'ada 56 jir ah kana tegay hanti dhan $7 bilyan

- Waa kuwan qaar ka mid ah erayadiisii ​​ugu dambeeyey

Aragtidayda hadda noloshaydu waa nuxurka guusha laakiin farxad badan uma lihi waxa aan haysto , aakhirka waxa ay noqotay tiro uun ama mid ka mid ah waxyaalihii aan la qabsaday

Waqtigan xaadirka ah markaan sariirta ku jiifo aniga oo buko oo aan xasuusto marxaladda noloshayda waxa aan yaqiinsaday in dhammaan sumcaddayda iyo hantida aan haysta aanay macno lahayn marka loo eego geerida iguso aadan

Waxa aad kiraysan kartaa qof kuu kexeeya gaadhigaaga ama adeege kuu soo iibiya alaabtaada aad ubaahan tahay ama waxa aad kaga shaqaysiin kartaa hogaamiyayaal kuu maamula ganacsigaaga oo aad ka kasbato lacag iyo magac badan intaba , laakiin waxaa hubaal ah qofna uma shaqaaleysiin kartid wax kasta oo kaga baxa si uu xanuunkaaga ama kaarka ku haya u qaado oo wakiil kaga noqdo

Qofku waxa uu heli karaa waxyaabaha maadiga ah inta uu ugu jecel yahay , laakiin waxaa jira hal shay oo aan la heli karin marka uu lumo waa "Nolol"

Marka aynu sii weynaano waxa aynu noqoneynaa kuwo caqli badan , waxa aynu ogaanayna in saacad qiimaheedu yahay $ 30 ama $ 3000 labaduba ay muujinayaan isku waqti daqiiqado iyo ilbidhiqsiyo , waxa aynu ogaanayna haddii aynu qaadno boorso qiimaheedu yahay $ 30 ama $ 500 in lacagta gudaheeda ku jirta tahay sidii hore oo aanay is bedelin

Haddaynu wadno baabuur qiimihiisu yahay $150,000 ama baabuur qiimihiisu yahay $15,000 waddada iyo masaafada marayna waa kuwo siman , ugu dambayntiina waxaynu gaadhi doonnaa hal meel

Haddii guriga aad ku nooshahay uu yahay 300 oo mitir oo laba jibbaaran ama 3000 mitir oo laba jibbaaran unuggu waa isku mid ma dhaqaaqi doono ama ma seexan doontid aag ka badan dhawr mitir

Farxadaada dhabta ahi kama timaado waxyaabaha aad leedahay , haddii aad diyaarada ku safreyso heerka koowaad ama heerka dhaqaalaha haddii ay diyaaraddu soo dhacdo dhamaan waa lagu burburay

Haddaba waxaaan rajaynayaa in aad fahanto in marka aad nolosha ka leedahay yool sare oo aad leedahay camal dadka kale ka farxiya taasi waa farxada dhabta ah !

Waxaa jira dhowr xaqiiqo oo ay tahay in aynu fiiro gaar ah u yeelano:

1. ️Ha barin carruurtaada in ay tujaar noqdaan
bar in ay farxaan markaa markay weynaadaan waxa ay ogaan doonaan qiimaha shayga ee ma ogaan doonaan qiimaha shaygu inta uu yahay

2. ️Cuntada u qaado dawo ahaan haddii kale waxa aad u baahan doontaa in aad dawada uqaadato cunto ahaan

3.️ maalkaga uga tag qorraxda oo hadhka fadhiiso ha hagran naftaada iyo inta kugu xeeran maalka waxa la inoo siiyey in lagu noolaado ee la inooma siin in aynu maalka u noolaano

4. Jeclow dadka Ilaahay kuu soo diray oo samee wanaag , maalin uun ayaad isu baahan doontaan

5. Haddii aad rabto in aad hodan ku noolaato keligaa meel deg ! , laakiin haddii aad rabto in aad farxad ku noolaato la deg kuwa kale !
Waa Noocee Dhiigaagu?
Kii laba bakayle baacsada isku mar, midna ma qaban doono.

-Confucius.
Farriin ay haweeney u dirtay ninkeeda:

Waa aniga tan kuugu soo darsatay saaxiibtinimada Faysbuugga, magac been abuur ah, waad i aqbashay oo waxaad iga dhigatay mid ka mid ah asxaabtaada ugu fiican. Waxaadna bilaawday inaad ila hadasho saacado badan. Waxaan la yaabay sida laabtaada aad iigu ballaarisay, adigoo nolol maalmeedkeenna dhabta ah aadan awoodin inaad ila hadasho shan daqiiqo wax ka badan, iskaba daa xitta ma maqli kartid codkayga.

Maalin kasta waxaad ii soo dirtaa farriimo jaceyl iyo roomansi ah adigoo nolasheenna dhabta ah aan awoodin xitaa inaad magacayga iigu wacdo (Hooy, i maqal, fiiri , i dhageyso).
Waan murugooday markii aan xaqiiqsaday inaad aniga naftayda igu khiyaanaysid, sidii inaad tahay tuug is xaday isla asaga.

Waan murugooday markii aan ogaaday awodda dareenkaaga iyo jilicsanaanta qalbigaaga, taas oo xaqiiqdeenna dhabta ah aanan ku arkin wax aan ka ahayn naxariis-darradaada iyo qalbi adeeygaaga.

Waan murugooday markii aad naftayda ka dacwootay adigo isla aniga ii dacwoonaya, anigoo kiiskaas ka ah dhibanaha iyo xaakinka isla waqtigaas anigoo ah mid ka madax bannaan cabashadaada.

Immisa ayaan kugu qosli jiray markii aad iigu hanjabto furriin isla aniga daraadday, maxaa yeelay aakhirka waxaad ii heli doontaa naagtaada cusub, marka furitaankaaga iyo guurkaaga danbe aniga ayaa sabab u ahaan doonna.

Waan murugoon jiray markii aan arkaayo adigoo u taagtaagsanaya sidii ilmo yar oo albaabka qolka xiraya adigoo ku marmarsiyoonaya in aad mashquul tahay oo aad shaqo leedahay, aakhirkiina waad ila hadlaysaa, anigoo albaabka qolka gadaashiisa taagan anigoo ku jawaabaya.

Maxaa diidaya haddii aad albaabka qolka furto oo si fool ka fool iila hadasho been iyo munaafaqnimo la'aan, si beentu, run isugu badasho.

Maxaad ii siin wayday jaanis aad ku ogaato xaqiiqadayda iyo kartidayda oo aad ku garawsato in xariifadda faysbuuga ee saaxiibtaa ah ay tahay xaaskaaga runta ah.
Maxaa diidaaya shaqsiyaddaada faysbuugga inay ahaato isla midda nolasheenna guurka, oo aad igu tiraahdo "subax wanaagsan" wajigeyga hortii .. maaha Faysbuuga sidoo kala aad igu tiraahdo "Habeen wanaagsan" anigoo barkintayda barkan, maaha markaan wada sheekeysiga feysbuuga dhamaysanno.

Waa ayaandarro inaad ogaato aakhirka magacaan bugta ah iyo saaxiibtaan beenta ah in aan aniga ahay! haa xaaskaaga dhabta ah ee kuu keenta cuntada, dharkaaga kuu dhaqda, carruurtaadana wax barta. Markaa sidee dadka kale kuugu raaxaysan karaan aniga oo adiga kuu adeega? Sidee baad se dadka kale u amaanaysaa aniga oo ah midda kuu daaleysa, sidee se cid aan aniga ahayn ugu naxariisaneysaa anigoo wali kaa sugaaya naxariis? Sidee ugu damqanaysaa anigoo wali ku sugaaya...?

Buugga: رواية امنيتي ان اقتل رجلا
Tarjumadii: Hibaaq Cadaawe
"Qofka kaa xanaaqa ee aan waxba kugu sameyn , saaxiib ka yeelo, maxaayeelay xanaaqa ama caradu waxay soo saartaa dunta basharka."

— Cali Binu Abii Daalib.
Mararka qaarkood jacayl keli ahi waxba kugima fila, Ninkan dhalinyarada ah oo u dhashay Masar ayaa gabadh si daacad ah u jeclaa muddo sannado ah, waxaanu sugayey maalinta iman doonta ee uu aqal la geli doono, maadaama xaaladdiisa dhaqaale aanay ahayn mid ka caawin karta gurkiisa, sidaa darteed waxa uu shaqayn jirey maalin iyo habeen sidii u ururin lahaa lacagta guurkooda

Waxa uu wadaba waxaa timi maalintii uu awoodey in uu inanta mehersado, waxaanu u tegey inanta reerkoodi si uu uga dalbado gacanteeda, waana loo oggolaaday oo waa la siiyey in kasta oo aanu weli wax meher ahi dhicin dhexdooda, isaguna arrinkaas dhinaciisa aad ayuu ugu farxay isaga oo u arkaayey maalinti uu sugaayey, waxaanu bilaabay diyaar garawga meherka iyo arooska oo ay ka mid yihiin agabka guriga iyo labadii bedladood ee lamaanaha ee habeenka arooska, laakiin waxaa la yidhi dabayluhu waxa ay soo dhacaan xili aanay doonyuhu diyaar u ahayne Ninkii waxaa soo gaadhey war odhanaya in gabadhii uu jeclaa lagala noqday oo la siiyey Nin taajir ah oo isaguna ka soo doonay dhiciisa loona meheriyey, sidaana ay ku guursatey nin kale

Ninkii dhalin yarada ahaa warkii waxa uu ku noqoday war naxdin leh oo uu ka soo noqon kari waayey, hadda isaga waalan ayuu waddooyinka Qaahira dhex wareegaa sida sawirka ka muuqata isaga oo iska dul xidhan suudhkiisi arooska iyo toobkii aroosada 💔

– Abdulla Farah

Sawirka faalada koowaad ka eeg
“Intaan riyoonayo waan noolahay, waayo kuwa dhintaa ma riyoodaan.”

- Mahmoud Darwish
More