𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤✨🦋📚🔐🌍 pinned «Bilah xurmada ah Dulciqdah ,dul xija muxaram iyo rajab Macsiyada ama danbiga iyo daacada ama cibaadada Dhaxdooda lasameeya way ka badan yihiin bilaha kale ,hadii aad macsi ama danbi samayso intii lagu qorayey in kabadan ayaa lugu qoraya ama hadad…»
Bilah xurmada ah Dulciqdah ,dul xija muxaram iyo rajab Macsiyada ama danbiga iyo daacada ama cibaadada
Dhaxdooda lasameeya way ka badan yihiin bilaha kale ,hadii aad macsi ama danbi samayso intii lagu qorayey in kabadan ayaa lugu qoraya ama hadad samayso cibaado ayaduna sido kale way kabadantahay cibadada bilaha kale Nafihiina ha dulminina inta bilahaas lagu jiro Walahu aclam
hadii aad badiso macsida cibaadada ayaa marwalba kawayn ee ha kadhigin qalbigaga mid moogan ku dhabar adayg saad qalbigaga utoosin lahayd eed allah ugu dhawaan lahayd insha allah ❤️
Bishan ku jirnana waa rajab oo kamid ah bilaha xurmada
Sannadka cusub wuxuu ka dhigan yahay fursad cusub si aad dib u eegis ugu samayso fikirkaaga iyo qorshahaaga, balse sanadka cusub oo kali ah kuma filna in uu is bedel dhab ku sameeyo noloshayna. Sanadku waa wax waqtiga uun lagu nidaamsado oo lugu xisaabsado, Halka uu isbedelku u baahan yahay doonitaan, iyo caqliyad gooni ah. haddii aan wali ku sii dhegenaano isla aragtiyihii iyo caadooyinkii sanadkii hore nolosheenni sidaas uun bay ahaanaysaa si walba oo ay sanadaha ina soo marayaa u fara badan yihiin.
Caqlaanuyaddu ama in si garaad leh loo dedaalo, waa furaha aanu ku gaafayno in aan riyooyinkeenna u bdelno kuwa dhab ah oo jira. Kolka aan ku qaabilno sanadka cusub caqliyad bisil iyo qorshe cad, waxaa inoo suurtoobaysa in aan nolosheenna ku samayno farqi muuqda oo dhab ah. Caqliyadda cusub waxay ka dhigantahay ama loola jeedaa in aan is bedelka ka dhiaganno ama u aragno qayb ka mid ah nolosheenna, iyo inaan raadinno wadooyin aan nafteenna si joogta ah ugu hormari karno bedelka intii aan sugu lahayn mucjisa wayn oo timaadda sanadka cusub.
Sidaas awogeed ha is dhihin sananska cusub ayaa isbedelka iskeed u wadata, bale isbedelku wuxuu ka bilowdaa marka aad adigu go, aansago in aad noqoto qof ka gaddisan ama ka duwan qofkii sandkii hore, iyo kolka aad dejisato hadafyo la gaari karo oo la caqiijin karo kadibna si dhab ah aad uga shaqayso sidii aad ku gaari laahyd...
Ugu danbayntii ka dhigo sanadka cusub bar-bolowga caqliyad (positive) ah ama wanaagsan iyo hawl joogta ah, ee kaliya ha sugin waxa uu xilligu soo sido ama xambaarsanyahay. 💯✨📚🫀📝
Dhaqanka ugu wanaagsan ee uu Alle la jecelyahay addoonkiisu, waa ka uu iskala raalliga noqday. Ilaahay waxa uu jecelyahay cafiska iyo dhaafidda.
Alle aad ayuu u jecel yahay kuwa dadka iska cafiya ee wixii lagu sameeyayna aan waxba kasoo qaadin .
Maalin Maalmaha ka Mid ah ayaa uu Nebigu (NNKH) Saxaabada ku boorriyay wax-bixinta, Culba Binu Sayd oo ahaa sabool aan haysan wax uu bixiyo ayaa inta uu istaagay ku yidhi suubbanaha ;" Anigu ma haysto wax aan bixiyo oo aan ka ahayn in aan cafiyo qof kasta oo sharaftayda meel kaga dhacay "!!
Sido kale alle suuratu alnuur aayada 22aad waxa uu ku leeyahay:-
(وَلْيَعْفُوا وَلْيَصْفَحُوا أَلَا تُحِبُّون أًنْ يَغْفِرَاللهُ لَكُم وَاللهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ ) " Ha cafiyeen oo ha u dhaafeen, miyaydaan jeclayn in uu Alle idiin dambidhaafo Alle waa dambidhaafe naxariis badan "❤️