View in Telegram
𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮
🖤
✨
🦋
📚
🔐
🌍
Dhaqanka ugu wanaagsan ee uu Alle la jecelyahay addoonkiisu, waa ka uu iskala raalliga noqday. Ilaahay waxa uu jecelyahay cafiska iyo dhaafidda. Alle aad ayuu u jecel yahay kuwa dadka iska cafiya ee wixii lagu sameeyayna aan waxba kasoo qaadin . Maalin Maalmaha ka Mid ah ayaa uu Nebigu (NNKH) Saxaabada ku boorriyay wax-bixinta, Culba Binu Sayd oo ahaa sabool aan haysan wax uu bixiyo ayaa inta uu istaagay ku yidhi suubbanaha ;" Anigu ma haysto wax aan bixiyo oo aan ka ahayn in aan cafiyo qof kasta oo sharaftayda meel kaga dhacay "!! Maalinkii dambe ayuu Nebigu (NNKH) Yidhi "Mee Culba binu sayd ?" Culba ayaa kacay oo yidhi : " Waa i kan ergeygii ilaahayow " Nebiga ayaa ku yidhi : " Ilaahay waa uu kaa aqbalay Sadaqadaadii " Sido kale alle suuratu alnuur aayada 22aad waxa uu ku leeyahay:- (وَلْيَعْفُوا وَلْيَصْفَحُوا أَلَا تُحِبُّون أًنْ يَغْفِرَاللهُ لَكُم وَاللهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ ) " Ha cafiyeen oo ha u dhaafeen, miyaydaan jeclayn in uu Alle idiin dambidhaafo Alle waa dambidhaafe naxariis badan "
❤️
Wa habeen jimco ah Halays cafiyo oo halaysu dardaaramo cafiska walalayal iinsaan baanu nahay waa lays qaban karaa oo wax baanu iska sheegna intaas kadib an badino salliga nebiga اللهم صّل وسلم وبارك على سيدنا وحبيبنا محمد وعلى اله وصحبه وسلم أجمعين
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start