View in Telegram
๐๐ผ๐ฟ๐บ๐ฎ๐ฟ๐ถ_๐ต๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ๐ฎ๐ด๐ฎ
๐ค
โจ
๐ฆ
๐
๐
๐
Uga Faa'iideyso Sannadkan 2025 Si Guul Leh...
๐ฏ
1. Ka Faa'iideyso Sannadkan Si Guul Leh Sanadka 2025, ha u ogolaan nolol aan qorshe lahayn inay ku qaadato. Samee liiska yoolal aad noloshaada ku horumarinayso. Wax walba waxay ka bilaabaan hal go'aan. Maanta go'aanso waxa aad rabto inaad noqoto! 2. Waqtigaaga Maaree Sanadka cusub, wakhtigaaga qiimee. Waqtigaagu waa hantida ugu weyn ee aad haysato. Ha lumin maalintaada, maalin kasta waa fursad cusub. 3. Naftaada Maalgeli Waxbarashadaada maalgashi ku samee. Qofka waxbartaa wuu korayaa, qofka caajisaana wuu joogsadaa. Sannadkan 2025, aqoon cusub baro ama xirfad cusub ku shaqee.!! 4. Dhaqaalahaaga Maamul Biloow inaad lacagtaada si caqli ah u isticmaasho, wax badanna kaydsato. Ha ka fikirin wax iibsiga aan faa'ido lahayn, balse ka fikir waxa maalgashi kuu noqon kara... 5. Iska Iloow Khaladaadkaagii Hore Sanadkii hore wuu tegay, khaladaadkaadii hore ha kugu sii qabsan. Wax ka baro, horayna u soco. Qof walba khalad wuu sameeyaa, balse dadka guuleysta way ka toosaan. 6. Caafimaadkaaga Ka Shaqee Sanadka cusub caafimaadkaaga ka hormari wax walba. Cunto caafimaad leh cun oo jimicsi samee. Haddii jirkaagu caafimaad qabo, maskaxdaaduna way shaqayn kartaa.
๐ค
7. La Xidhiidh Dad Waxtar Leh Ha ku sii dhegganaan dad aan kugu dhiirrigelin. Sanadka 2025, raadi saaxiibo riyooyin leh. Saaxiibtinimada saxda ahi waa tan kugu dhiirrigelisa inaad sare u kacdo.
๐
8. Qorshe Maalinle Ah Samee Maalin walba qorshee wax yar oo horumar ah inaad samayso. Sanadka oo dhan wad ku wada guulaysan doontaa insha Allah.
๐
โจ
๐ฏ
~ Qorshe la'aan guul ma jirto.
๐ง
โญโโโโโโโโโโโโโโโ โฐโโค - Zaxiibka nolosha
๐ค
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start