Sanadka Cusub.... ๐ง
Is bedelku kuma xirna sanad cusub ๐
Sannadka cusub wuxuu ka dhigan yahay fursad cusub si aad dib u eegis ugu samayso fikirkaaga iyo qorshahaaga, balse sanadka cusub oo kali ah kuma filna in uu is bedel dhab ku sameeyo noloshayna. Sanadku waa wax waqtiga uun lagu nidaamsado oo lugu xisaabsado, Halka uu isbedelku u baahan yahay doonitaan, iyo caqliyad gooni ah. haddii aan wali ku sii dhegenaano isla aragtiyihii iyo caadooyinkii sanadkii hore nolosheenni sidaas uun bay ahaanaysaa si walba oo ay sanadaha ina soo marayaa u fara badan yihiin.
Caqlaanuyaddu ama in si garaad leh loo dedaalo, waa furaha aanu ku gaafayno in aan riyooyinkeenna u bdelno kuwa dhab ah oo jira. Kolka aan ku qaabilno sanadka cusub caqliyad bisil iyo qorshe cad, waxaa inoo suurtoobaysa in aan nolosheenna ku samayno farqi muuqda oo dhab ah. Caqliyadda cusub waxay ka dhigantahay ama loola jeedaa in aan is bedelka ka dhiaganno ama u aragno qayb ka mid ah nolosheenna, iyo inaan raadinno wadooyin aan nafteenna si joogta ah ugu hormari karno bedelka intii aan sugu lahayn mucjisa wayn oo timaadda sanadka cusub.
Sidaas awogeed ha is dhihin sananska cusub ayaa isbedelka iskeed u wadata, bale isbedelku wuxuu ka bilowdaa marka aad adigu go, aansago in aad noqoto qof ka gaddisan ama ka duwan qofkii sandkii hore, iyo kolka aad dejisato hadafyo la gaari karo oo la caqiijin karo kadibna si dhab ah aad uga shaqayso sidii aad ku gaari laahyd...
Ugu danbayntii ka dhigo sanadka cusub bar-bolowga caqliyad (positive) ah ama wanaagsan iyo hawl joogta ah, ee kaliya ha sugin waxa uu xilligu soo sido ama xambaarsanyahay. ๐ฏโจ๐๐ซ๐
โญโโโโโโโโโโโโโโโ
โฐโโค - Zaxiibka nolosha ๐ค