Jiilka ugu badan dhalinyarada Soomaalida ee hada nool waxaa la sheegaa iney dhasheen intii u dhaxaysay 1993 ilaa 2000.2003 adigu sanadkee dhalatay
Jiilkani waxay dhasheen mid kamid ah xiliyadii ug xumaa ee taarikhda Soomaalida soo mara, waxay ku koreen qaran la'aan, ta ugu darana waa iney markhaati ka ahaayeen iyadoo Soomalidii walaalaha ahayd ay si macno la'aana u daadinayaan dhiigii ugu badnaa, dagaal sokeeye oo ay isku halaageena ku jiraan.
Waa jiil duruuf adag ku dhexkorey oo dhamay dacarta khadhaadh ee duruufuhu badeen, waayaha iyo wakhtiguna waxbareen, waa jiil dhankastaba u taagnaa foolxumada ay Soomalidu ku nooshahay, waana jiilka rajada ugu badan laga qabo ee laga rajaynayo iney Soomaalida ka gudbin doonaan colaadaha sokeeye, kala qaybsanaanta baahsan iyo xumaanta qabiil ee Soomaalida qayrkeed ka reebay, Jiilkan waxaaa saaran masuuliyada ballaadhan, sababtuna waa marxalada ay Soomalidu xiligan adag marayso.