2. Xigmaddiisa iyo Fudaydka Fatwooyinka: Sheikh Al-Cutaymiin waxaa lagu xusuustaa inuu ahaa caalim ka fogaaday xagjirnimada, isaga oo fududeeyay fahamka diinta isaga oo aan lumin mabaadi’da asaasiga ah ee Islaamka.
3. Geesinimada Cilmiga ah: Marar badan wuxuu si cad u muujin jiray ra'yigiisa, inkasta oo ay jireen dad ka soo horjeeday.
Dhaxalkiisa Sheikh Maxamed bin Saalax Al-Cutaymiin wuxuu cilmigiisa ku faafiyey masjidka weyn ee magaalada Cunayzah iyo kulliyadaha Shareecada ee Sacuudiga. Duruustiisa waxaa laga dhageysan jiray raadiyeyaasha iyo talefishinnada caalamiga ah, taasoo ka dhigtay inuu noqdo caalim ay dunida Muslimka oo dhan si weyn u tixgeliso.
Geeridiisa Sheikh Maxamed bin Saalax Al-Cutaymiin wuxuu geeriyooday 10-kii Diseembar 2001, isagoo dhaxal reebay kutub, duruus, iyo fatwooyin si weyn u saameeyay fahamka diinta ee Muslimiinta maanta.
- [ ] Saaxiibka dhabta ah waa kan kuu yimaada marka adduunka intiisa kale kaa tagaan.
- [ ] Ha samaysan saaxiibo wadajirkooda aad deganaansho ku dareemayso ee sameyso saaxiibo kugu qasbi doonna inaad naftaada kor u qaado.
- [ ] Ha idaba socon laga yaabo inaanan ku hogaamin, ha i hor socon laga yaabee inaanan ku raacin. Keliya dhinaceyga soco oo noqo saaxiibkay.
- [ ] Saaxiibtinimada maaha cidda aad taqaanay muddadii ugu dheerayd ee waa qofka noloshaada soo gala kuna dhaha, “adigaan kuu joogaa” oona caddeeyay inuu kuu joogo adiga.
Qurbaha haddii aad joogto bulshada Soomaaliyeed aad ayaa looga qadariyaa gaar ahaan shucuubta Muslimiinta , waxaa kugu filan in aad dhahdo Soomaali ayaan ahay si aad uga maqasho dhowr tan oo amaan ah qiimaha umadaan
Soomaaliya ma ahan dal qiimo yar waa dal miisaan weyn ku leh dunida muslimka , Soomaaliya way ka weyntahay sida ay u malaynaayaan shacabka soomaaliyeed wuu ka qiimo badan yahay meesha ay dhigeen .