Maalin kasta oo aynu nolal ku gaadhno waa mid aynu qabriga u sii dhawaanayno, Alle khaatumada khayr ha inoogu khatimo.
Qof kastana halka culays ka haysto Alle ha ka korqaado, Inta xanuunsan Alle ha shaafiyo, Inta Awlaad aan haysan Alle ha ku arsaaqo, Inta haysta Alle ha u barakeeyo , Inta Aan Guursan Alle ha u fududeeyo.
Dhamaanten Alle danbigeena ha dhaafo jannadana ha inagu kulmiyo.
Kumanaan kun oo muslimiina ayaa Salaadii Jimcaha ee ugu horeysay ku tukaday Masjidka Umawiyiinta ee magalada Dimishiq kadib markii laga xoreeyay taliskii Asad.
Masjidka Umayyad ee ku yaal Dimishiq, waa mid ka mid ah masaajidda ugu da'da weyn Adduunka.
Wali waxaa la raadiyaa godadkii xabsigan dadkii kujiray iyo sidii loo gali lahaa mama ay dhulka hoostiisa ahayd iyo sidii loo gali lahaa dadkaasna loogasoo badbaadinlahaa.
Dadkaas qaar kasoo baxay xabsiga way curyaameen qaarna way indho beeleen qaarna maskixin bay uwasheen oo iyagoo saxarada qasanaya ayay soo baxeen qaarna ehelkood ayaa wali raadinaya geeri iyo nolol. Waxaan arkay nin dhahay 2015kii baa lay xidhay oo adeerkay oo masuul ahaa ayaa la raadinayay kadibna anigaa lay xidhay waxayna dhaheen mar hadii isaga la waayay waa in adiga lagu xidhaa waanan iska xidhnaa intaas oo sano bilaa danbi waxaanan indhahayga ku arkay wax anan ka sheekayn karin 😭
Aduunkii dhanaa wuxuu hadal hayaa xabsiyada dalka suuriya kadib markii xukunka laga tuuray kaligii taliyihii korka dheeraa ee bashar alsad, shacabka reer suuriya 7milyan ayaa qaxooti ah waxa u badan ee kasoo carareen wuxuu ahaa culayska wadankooda ka ka haystay meelkastana ay taaganyihiin iyagoo dawarsanaya waxaana sababay wadankoodii iyo culayska ka haystay dadkoodiina xabsiyada kujiraan.
Cidkasta oo dulmi samaysa Akhiritaanka way galban iyadoo foolxun oo waliba cadaabtii akharana sugayso, waligaa iska ilaali dadka alle madaxda kaaga dhigay inaad ku tacadido. Waxaan alle uga baryayaa shacabka reer suuriya intixaankii ay soo mareen in alle faraj khayr qaba ufuro iyo cidkastoo dhib soo gaadhay iyo waliba dhacabka reer falastiin inta baaqiga ah🤲
2. Way wanaagsan tahay in qofku galo imtixaanka IELTS-ka, wuxuu kaa caawinayaa inaad jaamacado tayo wanaagsan waxbarasho ka heshid, wuxuu kale ee kaa saacidayaa inaad wadamada qaar shaqo ugu doonatid sida Australia iyo New Zealand.
3. Baro xirfada fagaaro ka hadalka: ma ogid marka aad heli doonto fursada aad ku hogaamiso koox, ama shirkad wayn, ama deegaan, sidaas darteed waxay kuu sahlaysaa in adigoo dadka si wanaagsan ula hadli kara aad hesho fursadii kugu habooneyd, waxayna sahlaysaa inaad kasbato dadka aad markaas hogaamineyso.
4. Isku day layliga nafta: wuxuu kaa saacidayaa inaad nafta waxa mustaqbalkeeda danta u ah ku riixdo, haba qadhaadhado xiligaas lagu jiree, sida inaad aroortii jimicsato/ salaada subax biyo qabaw ku waysasato marka aadan dookh haysan.
5. Baro ixtiraamka nafta: qabso shaqadaada, laakiin cidna ha ku raali galin inay ku ixtiraam dareyso !
Fariimahani waxay ka imanayaan nin aan intaas midna master gareyn, laakiin ogaadey ahmiyada ay leeyihiin. #kaamil ahmed