TALO
1. Luuqada Englishku waxay caawineysaa inaad cilmi badan fahantid, sidaas darteed inaad barato wax fiican ayay kusoo kordhineysaa koriinkaaga xirfadeed.
2. Way wanaagsan tahay in qofku galo imtixaanka IELTS-ka, wuxuu kaa caawinayaa inaad jaamacado tayo wanaagsan waxbarasho ka heshid, wuxuu kale ee kaa saacidayaa inaad wadamada qaar shaqo ugu doonatid sida Australia iyo New Zealand.
3. Baro xirfada fagaaro ka hadalka: ma ogid marka aad heli doonto fursada aad ku hogaamiso koox, ama shirkad wayn, ama deegaan, sidaas darteed waxay kuu sahlaysaa in adigoo dadka si wanaagsan ula hadli kara aad hesho fursadii kugu habooneyd, waxayna sahlaysaa inaad kasbato dadka aad markaas hogaamineyso.
4. Isku day layliga nafta: wuxuu kaa saacidayaa inaad nafta waxa mustaqbalkeeda danta u ah ku riixdo, haba qadhaadhado xiligaas lagu jiree, sida inaad aroortii jimicsato/ salaada subax biyo qabaw ku waysasato marka aadan dookh haysan.
5. Baro ixtiraamka nafta: qabso shaqadaada, laakiin cidna ha ku raali galin inay ku ixtiraam dareyso !
Fariimahani waxay ka imanayaan nin aan intaas midna master gareyn, laakiin ogaadey ahmiyada ay leeyihiin.
#kaamil ahmed