🔖Faaiidooyinka dersiga (10):
1. Nicmadu waa inay kuu kordhisaa is-dhul dhig.
2. Nicmada dadku waxay uugu qaybsamaan 3 nooc:
▪️mid nicmada uun ku faraxsan allena ma xasuusna.[ derajada uugu hoosaysa ].
▪️ mid nicmada iyo allaha siiyayba xasuusan. [ derajada 2aad ].
▪️mid alle oo keliyaa ku mashquulayaa oo nicmadaba ilaawayaa.[ derajada uugu saraysa ].
3. Nicmada markastoo aad ku mahadceliso waxaad helaysaa:
▫️inay nicmadu kuu siyaado.
▫️nicmada aad haysataana waa kuu ilaashamaysaa.
4. Qofka cibaadaysta hadana alle rajo ka qabo taasi waa sax, lkn yadiidiilo bilaa camalaa waa khatar.
5. Sunnayaasha ha fudaydsan alle ayaa kugu jeclaanaya, waajibaadkana way kuu ilaalinayaan sunnayaashu.
6. Waxa rajada kuu furaya markaad eegto: waxa alle kusiiyay ee nicmooyinaa.
Cabsidana waxa kugu furaya markaad eegto: waxa lagaa doonayo iyo yaraanta waxaad samaynayso.
7. Ninbaa nebiga uyimi oo ku yidhi: iisheeg rasuulka allaw wax alle iyo adoomihiisu igu jeclaadaan?
Wuxuu ku yidhi: "Aduunyada ka saahid alle ayaa ku jeclaan, dadkana waxba ha weydiisan dadkaa ku jeclaan" ] xadiith.
📌culimada qaar suhdiga waxay ku macneeyeen: inaan aduunyadu qalbiga kaa haysan.
8. Aduunyada inaad ka saahido kuma xidhna wax badan iyo waxyar intaad haysato ee arimahan ayay ubaahanatahay:
▫️ illaahay dartii inaad uqaadanayso ama uuga tegayso.
▫️qofka xaaraamta iska ilaaliyay isna waa saahid.
9. Alle waxad utalo saaranaysaa in:
▫️in alle dhibka kaa ilaaliyo.
▫️marka dhib ku helo inuu kaa qaado.
▫️in nicmada alle kuu keeno.
▫️nicmada aad haysatana inuu alle kuu xafido.
10. Raali ahaanshaha alle inaad raali ku tahay wuxuu alle kuu qadaray waa:
▫️Qofka inuu qalbigiisa xasiloonyahay.
▫️inaad degentahay oo miisaamantahay marka dhibtu kugu dhacdo.
11. saddex albaab iska xidh oo shaydaanku kasoo galo qofka:
▪️Shahwada.
▪️Dheregta.
▪️Degdega.
#kitaabka_مطهرة_القلوب.
#sh_xamse_xabiib.
#Dersiga_10aad.