View in Telegram
🔖Faaiidooyinka dersiga (11): 1. Naftaaada 6 arin ku hor istaag: ▫️inaad nafta shardi kula gasho wanaagana inay samayso, xumaantana ka fogaato.[ مشارطة ]. ▫️shardiga aad la gashay inaad ku ilaaliso [ مراقبة] ▫️inaad nafta la xisaab-tanto. [ محاسبة ]. ▫️inaad naftaada ciqaabto. [ معاقبة ]. ▫️inaad naftaada dedaal kula jirto. [ مجاهدة ]. ▫️inaad naftaada canaanato. [ معاتبة ]. 2. Naftaaada ku canaano marka alle xagiisa ka gaabiso, lkn waxa aduunuada haku canaanan, naftaada markaad ciqaabaysana waxad ku ciqaabayso sunnada nebiga ha waafaqsanaado si aanad naftaada u dulmin. 3. Isbasrin ayaa dunida laysku dhaafay . [ انضباط ]. 📌 joogtayn ayaa laysku dhaafay, waxad caado uleedahay haka tegin xataa hadii nafo dhimanayaan. 4. Hami ka weyn cunto inaad ku mashquusho ayaa laguu abuuray, maalinkaad heshana cun maalinka kalana ha isku maahquulin ee dantaada raaci. 5. [ Alle ha unaxariisto qof ceebtayada farta noo saaray ] cumar binu al-khadaab. 6. Ceebta naftaada 4 meelood ayaa laga ogaadaa: ▫️saaxiib wanaagsan inuu kuu sheego. ▫️sheekh aragti dheer oo alle yaqaanaa inuu kuu sheego. ▫️dadka waxay ceebaystaan inuu qofku iskaga beedho asagoo naftiisa sharfaya. ▫️cadawgaagu waxay kugu sheegayaan. 7. Erayga [ حال ] waa macne qalbiga kusoo aroora isagaan qofku isku kalifin, aanu kasbana. Haday joogto noqoto مقام ayaa la yidhaahdaa. 📌 baabkaan الحال culimadu 5 qaybood ayay uugu kala baxaan: ▫️culimada qaar way joojiyaan in laga hadlaba. ▫️culimada qaarna waxbay ka tilmaaman. ▫️culimada qaarna wixii macnihiisu quraanka iyo sunnada waafaqo way qataan wixii kalena way ka tagaan. ▫️qaarna way sharaxaan oo si fiican ayay u faahfaahiyaan. ▫️qaarna way ku talax tagaan siday ukala saarsaraayaan. 8. Sharaxa Erayo kusoo arooray qaybta kitaabka udanbaysa: ▫️Erayga القرب : markasta oo aad cibaadooyinka dhex gasho waa markasta oo aad alle udhawaato. ▫️Erayga الحيا : naftaadu inay ka xishooto alle, markaad is barbar dhigto weynida alle iyo gaabiskaad gaabisay. ▫️Erayga الإتصال: qofka in alle qalbigiisa ufuro wax aanay dadka kale arkayn. 📌in alle qalbigaaga ufuro siraha uu ku qariyay badh magacyadiisa iyo sifooyinkiisaa. ▫️Erayga التجلي: waa nuur alle qofka qalbigiisa kusoo tuuro,iyo nasaxiis. ▫️Erayga الاستتار: in makhluuqaatkan aad la nooshahay idin kala dhex galaan adiga iyoo nuurka alle. ▫️Erayga السكر: qofka inay kudhacdo maqnaasho maskaxdooda kusoo arooraya. 📌waa qofkii oo cibaadaysanaya aan dareemayn waxa hareerihiisa ka socda. ▫️Erayga الصحو: xalaada horee ah inuu san ogayn waxa hareerihiisa laga samaynayo markuu kasoo laabtaa eraygan la yidhaahdaa. ▫️Erayga السمار: in ruuxdu gaar la noqoto inay alle la faqdo nicmooyinkan uu ufuray. ▫️Erayga الذوق: waa dhadhanka ▫️Erayga الشرب: cabitaan ▫️Erayga ري : cokonaan 📌saddexdaa eray waxay sheegayaan waxyaabaha uu alle adoonka furay macnaha uu qofku ka helayo. ▫️Erayga هيبة: qofku markuu gaadho xaalada ah inuu alle ucaabudo in alle mudan yahay in loo cibaadaysto. ▫️Erayga وقت: xaaladaha badanka uu qofku ku jiro. ▫️Erayga تلوين : xaaladaha kala duwan uu qofku gelayo. ▫️Earayga شهود: waa in qalbigaaga iyo carabkaagu wada socdaan xiliga aad adkaarta ama cibaadada samaynayso. ▫️Earayga غيبة: kaa hore ayuu ka soo horjeedaa adoo maskax ahaan maqan inaad dikrinayso.. ▫️Erayga الوجد : waa waxa qalbigaaga soo gelaya, waxayna ka yimaadaan dikrigan aad wado. ▫️Erayga الوجود : waa heerka aad joogto oo waxan dadka kale uuga muuqan sifaatka iyo magacyada alle ay adiga kaaga muuqdaan. ▫️Erayga التواجد : waa soo jiidashada aad adkaar badan ku samaynayso ▫️Erayga الفرق : waa qofka inuu dadka ka go'o oo alle u go'o. ▫️Erayga الجمع: waa marka qofka alle weynidiisa / magacyadiisa/ sifooyinkiisu si aaada udegaan qalbiga qofka. ▫️Erayga جمع الجمع: kaa hore oo sii laban laaban weeye. ▫️Erayga الفنا: [ kan sheekh xamse ku laabo oo dhegayso]. 📌 erayadan sh.xamse markuu sharaxayo tusaale ayuu raacinayaa casharka dhegayso inta aanad xukun saarin sheekha ama qofka soo qoray ].
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily