๐Faaiidooyinka dersiga (8): 1. Waxyaabaha nafta kusoo dhacaa 4 meelood ayay ka kala yimaadaan:
โKuwo rabaaniyaa [ alle ayaa kugu soo riday oo khayr iyo hanuun kula raba ].
โKuwo nafta ka miyaada.
โKuwo malaa'iikta ka yimaada.
โKuwo shaydaanka ka yimaada.
๐waxaad ku kala garanaysaa:
Labada hore way kugu degaan oo kaama tegayaan ilaa aad ka jawaabto.
Ta shaydaankuna kolba dacal ayuu kuula boodaya oo marba mid ayuu kugu soo ridayaa.
2. Waxyabaha lagu garto waxa kugu soo dhacaya ee alle qalbigaaga kusoo ridayo:
1. Cibaado iyo dedaalo kadib illahay wuuxu kuu furayaa iftiino rabaaniyaa.
2. Laabtaada ku qaboobaysa oo waad ku nafisaysaa.
3. Qaab ugaaraa oo ku yimaadaa malaha ee qofwalba wuxuun ayuu alle cibaadooyinka ufuraa.
4. Waqtina malaha.
5. Sharcigana waa inuu ka dhinbiil qaadanayo [ waxan sharciga kusoo aroorin kaasi maaha wax alle kugu soo riday].
6. Waa wax sugan oo aan wax dhaqaajinayn.
3. Qof walba wuxuu badsado ayaa qalbigana kaga soo dhaca.
4. Waxyaabaha uu malaku qalbigaaga kusoo rido waxa lagu gartaa:
โช waxa uu malaku kugu soo rido waxa joojin kara naftaada xumaanta jecel ama shaydaanka.
โช waxa uu kugu soo ridayo wuxuu kuugu soo ridaa nasiixo ahaan iyo khayrka inuu ku jeclaysiiyo.
โช Khayrka uu kugu soo rido hadaad aqbali weydo hadana khayr kale ayuu kugu soo ridayaa.
โชkhayr keliyaa ayay malaaiiktu dadka faraysaa.
โชwaxa ay kugu soo ridaan waxa ku qaboobaya oo ku dagaya naftaada.
๐markastoo aad dikriga badsato malaa'iikta waxa ay qalbigaaga kusoo ridayaan ayaa kuu badanaya.
5. Qofka denbigiisu markuu bato quluubta ayaa laga daboola, oo qalbigiisana waxa lagu soo ridaa shar, waxaanad kaga badbaadi kartaa inaad alle unoqoto markaasuu ka tegayaa sharkaa qalbiga kaaga soo dhacaya.
๐ hadiii qofku denbiyo hore ku jiray waxa qalbiga kaga soo dhacaya ee sharkaa waa mid rabaaniyaa, lkn hadaanu denbi hore jirin waxan kusoo dhacaya qalbigiisa ee sharkaa waxay ka imanaysaa naf iyo shaydaan.
6. Waxyaabaha lagu garto waxa nafta ka miyaada ee kusoo dhacaya:
โNafta waxa kaaga soo dhacayaa waa wax sugan oo aan tagayn.
โwaxan naftada ka yimaada khayr badhax tiran maaha ee waxbaa ku lamaan, oo waxaad khayr moodaysay ayaad arkaysaa in baadil yahay.
๐naftaada inuu khayr kusoo dhaco aanad garanayn waxaad usamaynayso tan naftaada ama shaydaan ayay kaaga timi.
Tusaale: salaada markaad ka baxday ayaa kugu soo dhacday dadka jamaca khayr usheeg lkn garan maysid sababta aad usmaynayso waxa aad sheegayso.
7. Waxyabaha lagu garto waxa shaydaanku kugu soo ridayo:
โshaydaanku sharka uu kugu soo ridayo hadaad mid ka diido midkaluu kuu keenayaa kolba wuu kuu kala bedelayaa.
โ shaydaanka wuxu kugu soo rido waad ka laab laabanaysaa.
8. Waxa nafta kaaga soo dhacaya ee naf iyo shayadaan kaaga imanayaa waxad kaga guulaysan kartaa inaad dikriga badiso.
9. Dikrigu wuxuu qofka wax taraa markuu denbiga iska ilaalinayo.
10. Ha samayn waxaad hadhaw ka cudur daaran doonto, hadii aad samaysana kolka aad cudur daaranayso yaree hadalka haku celcelin.
#kitaabka_ู
ุทูุฑุฉ_ุงููููุจ.
#sh_xamse_xabiib.
#Dersiga_8aad.