View in Telegram
Waxaa suuragal in aad dareemeyso, murugo, balse waxaad ogaataa, in murugada, iyo farxad Alle keenno, noloshaada waxaa suuragal in aad waayo dhib badan soo martay laga yaabbaa in aad haatan aad ku jidho, balse waxaad ogaadaa in ilaaha qaadirka wax walbo suuragalsha, maanta haddii aad faraxsan tahay Ilaahey ku mahdi, haddii aad murugeysatahay Ilaahey ku mahdi. Nolosha teeda dhabta lagu badhaadho waa teeda loo sabro haddii ay arrini kaa nixisi qalbigaada rogrogto waxaad ku orodaa sallaada, wax walba aad dooneyso waxay ku jiraan gacanta rabbigaa, si aad u hesho waa in aad badisaa cibaada joogtey maalin walba. Farax oo nolosha ha u arkin mid adag, haddii aad isku adkeyso waa ay adkaan haddii aad fududeysato waa ay kuu fududaan, ilaahey wax walbo adag fududey buu daba dhigay, adkeysi muuji rajjada maalin uun waa ay rumoobeysaa. Guusha waa cabsida Alle, haddii uu qalbigaada ku weyntahay cabsida Alle waxaad heysataa libinta adduunka ugu qaalisan, in aad guuleysato waxay ku xidhan tahay in ay naftaada dhisan tahay, mar walbo ay dhisan tahay naftaada, ma jidhi doonto wax kugu adkaada. Haddii aad aragto shey adag aad ka baqato, ha is dhiibin Naftaada bar adkeysiga, ku celcelinta. Wax kasto ayaa lagaa sheeki dooonnaa waxba laguuma reeban doonno, waa in aadan dhag u dhigin kaliya aad maqashaa guushaada, dhiirrigelinta waxay ku jidhaa isla gudahaaga dhageyso naftaada. ILAAHEY WAXA UU YIDHI. (ูŠูุฏูŽุจู‘ูุฑู ุงู„ู’ุฃูŽู…ู’ุฑูŽ ู…ูู†ูŽ ุงู„ุณู‘ูŽู…ูŽุงุกู ุฅูู„ูŽู‰ ุงู„ู’ุฃูŽุฑู’ุถ)(ุงู„ุณุฌุฏุฉ: 5). โ€œWuxuu agaasimaa oo isku dubbaridaa arrin (kasta) ee ka jira samada ilaa arladaโ€. (As-Sajdah: 5) Indha_caad
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily