Samirku wuxuu kaa caawinayaa inaad si fiican uga jawaabto xaaladaha adag ee nolosha, wuxuuna kuu horseedi karaa inaad si tartiib ah u gaarto himilooyinkaaga, iyada oo aan lagaa hakinin dhibaatooyinka ku xeeran.
"Noloshu waa safar, ee ha noqon qof joogsada. Ujeeddo yeelo, sabab u noolaato, una dhaqaaq xagga wanaagga. Xusuusnow, qofka adiga kuu gaarka ah waa adiga, waana adiga kan noloshaada isbeddel ku sameyn kara. Ku xidhnow Ilaahay, oo ha ka quusan naxariistiisa. Haddii aad ku socoto jidka toosan, guushaada waa hubaal."
Mar walba dadaalkaaga ha lumin, hana iloobin inaad camalkaaga Allah u jeediso!
Dunida fekerku waa jaad gooniya, waa nolol sooc ah—oo lagu dareemo degganaan iyo kacsaan dareen oo is weheliya. Waa duni ka madhan dabbarrada ay aadanuhu kaga dhuuntaan xaqiiqada; diin, dhaqan, iyo dhowrsi, midna ma laha, waa duni ay tartamayaam unugyada maskaxdaada iyo ilbidhiqsiyada saacaddu, jeer ay meeshaa ku kulmayaan kacsanaan iyo degganaani, waa marka aad fekerka la jaal tahay e. Markaad bartaa dhex tagto waxay naftu ku odhanaysaa: yaa dadkii aad ka timi uga warrama nimcadan iyo deeqdan wax loo dhigaa jirin, yaa u sheega, yaa u rara oo u geeya, yaa kula daldala. Waa wax aad jeclaysan lahayd in ay dadkaagu gartaan oo helaan, laakiin waa duni feker, waxaad illawday in aanay dadku u wada sinnayn, in ay mas'uuliyaddaada tahay ayaad illawday, waa shaqo adiga kuu taal, in aad dadkaaga fahansiiso dunida xorta ah ee xalaasha ah—ee xumaanta ka madhan.
"Maxaan qoday doox sal weyn Maxaan helay deeq mug weyn Wax uu dad jeclaan lahaa U waayey wax soo daldala." —Hadraawi
Maalinta Jimcaha waa maalin barakeysan oo leedahay fadli weyn sida ay ka marag kacayaan Qur'aanka iyo xadiisyada Nabiga ﷺ.
Nabiga ﷺ wuxuu yiri: "Maalinta ugu wanaagsan ee qorraxdu kasoo baxdo waa maalinta Jimcaha: waa maalintii Aadan la abuuray, waa maalintii Jannada la geliyay, waa maalintii laga soo saaray, waana maalinta Qiyaame dhici doonto."
Fadliga maalinta Jimcaha waxaa kale oo ku jira: Akhrinta Suuradda Al-Kahf. Badiya saliga Nabiga ﷺ. اللهم صل وسلم وبارك على سيدنا محمد... صلى الله عليه وسلم.❤️
Ilaahay ha inaga yeelo kuwii ka faa'iideysta maalinta Jimcaha!
" Qabriyada waxa ka buuxa dad badan oo ku Fakiri jiray marka aan waynado Ayan wax. Wanagsan sameenaysaa ama sanadka dambe Ayaad isbadal sameenaysaa! Ma jiro qof lagula Ballamay inuu sii noolaanayo ilaa uu waayeel Noqdo. Ha sugin wakhti kale, hadii saka waaga ku baryay, ÏLbiriqsi kaste aad neefsanayso waa fursad kale Alle ku siiyay ee ka faa'iideeyso."
Sawirkan wuxuu si fudud u sharraxayaa sida farxadda qofka uga timaado isaga qudhiisa iyo sida ay uga timaado dadka kale.
1. Adiga: Giraanta dhinaca bidix waxay muujinaysaa in inta badan farxadda qofku ay ka timaado isagana. Cagaar badan ayaa muuqda, taasoo muujinaysa in qofka uu naftiisa farxad u abuuri karo oo aysan ku xiranayn dadka kale. 2. Dadka kale: Giraanta dhinaca midig waxay muujinaysaa in qayb yar oo farxadda qofka ah ay ku xiran tahay dadka kale (cagaar aad u yar), halka inta badan farxadda aysan ku xirnayn waxa ay dadka kale sameeyaan.
Fg:sawirkan waa mid dhiirrigelinaysa qofku inuu masuul ka noqdo farxaddiisa oo uusan ku tiirsanaan dadka kale si uu farxad u dareemo. Tani waxay sidoo kale na tusinaysaa muhiimadda isku kalsoonida iyo naftaada daryeelka.
xusuusnow in noloshu tahay safar u baahan sabir, mahadnaq, iyo yididiilo. Haddii aad guulaysatay, sii wado dadaalkaaga. Haddii aad caqabad la kulantay, waqti u qaado inaad ka barato. Sanadku waa xilli ku dhammaanaya, laakiin rajada iyo kartidaadu way sii socon karaan. Noloshaada qurxi, dadka agtaada ahna farxad la wadaag, sababtoo ah daqiiqadaha ugu qiimaha badan waa kuwa qalbiga taabanaya.
Sanadka 2025 waa fursad kale oo dahabi ah, waxan ilahy ka rajeenaynaa inuu Nabad qab inagu gaarsiiyo.
📌 1. "Waxbarashadu waa furaha albaab kasta oo fursad ah." 2. "Qof kasta oo wax barta wuxuu dhisaa mustaqbal ka wanaagsan kan uu maanta ku sugan yahay." 3. "Hanti kasta oo aad hesho way lumin kartaa, laakiin aqoonta ayaa ah mid ku raagta oo kuu horseedda guul joogto ah." 4. "Waxbarashadu waa iftiinka nolosha; qofkii u dadaala aqoon wuxuu ka baxaa mugdiga." 5. "Haddii aad dooneyso inaad adduunka wax ka beddesho, ku bilow inaad naftaada wax barato."
Ku dadaal waxbarashada, SAAXIIB! Waa jidka ugu toosan ee horumar iyo guul lagu gaaro.
"اللهم انفعني بما علمتني، وعلمني ما ينفعني، وزدني علما..." "Ilahayow, i anfac waxa aad i bartay, i bar waxa i anfacaya, waxbarashadaydana igu sii kordhi"
Saddex shay waa inaad ka dhisnaataa si aad u noqoto qof dhammaystiran:
1. Diintaada: *Diintaada* waa aasaaska ugu muhiimsan ee noloshaada. Diinta waxay ku hagi doontaa inaad noqoto qof wanaagsan oo la jaanqaadi kara bulshada, isla markaana aad u dhaqanto si waafaqsan qiyamka iyo dhaqankaaga diimeed. Waa inaad barataa diintaada si qoto dheer, si aad u fahanto waxa Ilaah kaa doonayo iyo sida ugu wanaagsan ee aad uga faa'iideysan karto noloshaada.
2. Takhasuskaaga: *Takhasuskaaga* waa xirfadd ama (cilmi) aad ku fiican tahay, iyo meel aad si gaar ah ugu tababaran tahay. Waa muhiim inaad ka dhisnaato takhasus si aad u noqoto qof khibrad leh oo ku takhasusay meel gaar ah. Takhasusku wuxuu noqon karaa mid diini ah ama mid maadiya , laakiin waa inaad si joogto ah uga shaqeyso horumarkaaga.