View in Telegram
Saddex shay waa inaad ka dhisnaataa si aad u noqoto qof dhammaystiran: 1. Diintaada: *Diintaada* waa aasaaska ugu muhiimsan ee noloshaada. Diinta waxay ku hagi doontaa inaad noqoto qof wanaagsan oo la jaanqaadi kara bulshada, isla markaana aad u dhaqanto si waafaqsan qiyamka iyo dhaqankaaga diimeed. Waa inaad barataa diintaada si qoto dheer, si aad u fahanto waxa Ilaah kaa doonayo iyo sida ugu wanaagsan ee aad uga faa'iideysan karto noloshaada. 2. Takhasuskaaga: *Takhasuskaaga* waa xirfadd ama (cilmi) aad ku fiican tahay, iyo meel aad si gaar ah ugu tababaran tahay. Waa muhiim inaad ka dhisnaato takhasus si aad u noqoto qof khibrad leh oo ku takhasusay meel gaar ah. Takhasusku wuxuu noqon karaa mid diini ah ama mid maadiya , laakiin waa inaad si joogto ah uga shaqeyso horumarkaaga. 3. Aqoon Guud: - *Aqoon guud* waxay tahay waxa kaa caawinaya inaad fahanto dunida kugu xeeran iyo xaaladaha kala duwan ee bulshooyinka iyo adduunka guud ahaan. Gabagabo: Saddexdan qodob โ€” diintaada,takhasuskaaga, iyo aqoon guudโ€” waxay muhiim u yihiin horumarkaaga iyo sidii aad u noqon lahayd qof dhammaystiran oo wax ku ool ah. Qofka si fiican uga dhisnaada saddexdan dhinac wuxuu noqon doonaa qof ka fiicnaan doona naftiisa, bulshada, iyo nolosha guud Ahaan.
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily