Dunida fekerku waa jaad gooniya, waa nolol sooc ahโoo lagu dareemo degganaan iyo kacsaan dareen oo is weheliya.
Waa duni ka madhan dabbarrada ay aadanuhu kaga dhuuntaan xaqiiqada; diin, dhaqan, iyo dhowrsi, midna ma laha, waa duni ay tartamayaam unugyada maskaxdaada iyo ilbidhiqsiyada saacaddu, jeer ay meeshaa ku kulmayaan kacsanaan iyo degganaani, waa marka aad fekerka la jaal tahay e. Markaad bartaa dhex tagto waxay naftu ku odhanaysaa: yaa dadkii aad ka timi uga warrama nimcadan iyo deeqdan wax loo dhigaa jirin, yaa u sheega, yaa u rara oo u geeya, yaa kula daldala. Waa wax aad jeclaysan lahayd in ay dadkaagu gartaan oo helaan, laakiin waa duni feker, waxaad illawday in aanay dadku u wada sinnayn, in ay mas'uuliyaddaada tahay ayaad illawday, waa shaqo adiga kuu taal, in aad dadkaaga fahansiiso dunida xorta ah ee xalaasha ahโee xumaanta ka madhan.
"Maxaan qoday doox sal weyn
Maxaan helay deeq mug weyn
Wax uu dad jeclaan lahaa
U waayey wax soo daldala." โHadraawi