Ax halka aad ka tidhi, haddaad odhan lahayd Bismillaah, Malaa’iikta ayaa kor kuu qaadi lahayd, iyadoo la wada arkayo,
Dagaalkii Uxud, ayaa markii Muslimiinta la jabiyay, si aan Rasuulka Scw loo dilin, ay waardiye ka noqdeen 12 Saxaabi oo ah Ansaar,
Kaddib gaaladii oo in yar u jirta, ayuu Rasuulku odhanayaa yaa inagaga filnaanaya? oo la dagaalamaya? Dalxa ayaa odhanaya “Aniga” markaasuu soo boodayaa mid kale oo Ansaartii ka mid ah, oo uu odhanaya “Aniga i sii fursadaa” kaddib ayuu rasuulku Scw ku odhanayaa: gal waayee, kaddib wuu dagaalamayaa illaa la dilo, oo uu shahiido.
Kolba mid ayaa Rasuulka scw naftiisa u huraya oo la dilayaa, illaa uu soo hadho Dalxa, kaddib Dalxa ayaa dagaal ba’an galaya, intuu gaashaanka tuuro, ayuu bidix iyo midigba ku dagaalamayaa, dhan walba ka siinayaa gaaladii, isagoo u huruyaa nabi Muxamed Scw naftiisa, kaddib isagoo gaagaabiyay gaaladii, ayay gacanta kaga dhacaysaa Seef, waxaana go’aya Farihiisa qaar ka mid ah, markuu damqado ayuu odhanaya Ax,
Kaddib Rasuulka Scw ayaa ku odhanaya: Ax halka aad ka tidhi, haddaad odhan lahayd Bismillaah, Malaa’iikta ayaa kor kuu qaadi lahayd, iyadoo la wada arkayo, 👀
Badalka qisadu waa mid ka mida Dinosauriërskii dabar go’ay, waa mid ka mid ah raggii taariikhda magacooda ku qoray, waa mid ka mida kuwii ka run sheegay Ballanka ay ilaahay u qaadeen, waa mid ka mida Tobankii loogu bushaareeyey Jannada, waa Dalxa Ibnu Cubaydillaah RC.
FG: Qisadan waxa aad ka qaadan kartaa, in marka dhib ku soo gaadho, aad xuska ilaahay Afka ku hayso, oo aanad isticmaalin kelmedaha Baroorta ah: Ax iyo Way, iwm, eed adeegsato (Subxaanallaah, Allahu Akbar, Xasbunallaah) iwm.
Marka aan ka xanaaqo dadka dhibkooda badan😋 dabeecadeydana ay isbadasho😁😁 Tom Jerry lee fiirsda😊 si aan iskugu Qanciyo dadkuba ine Yihiin sidii Jerry anigna aan ahay sidii Tom😍
Tom oo jerry dhibayo lama arko Lkn jerry oo tom dhibayo waa buux😁
Gabadha hadii ey lanooshahay nin faqiir ah gaajo uka dhimato 😔 Balse markii ay lanooshahay Nin aa ilaahey uga cabsaneyn💔 Waxey udhimata bahdil iyo ciil🥲 Sidaas darteed dumarka waxaa Loo abuuray amaan🥰👏
Weligaa ma isweydiisay bacda kaligeed haddii dabka la saaro sababta ay udhalaasho marka biyo lagu shubase ayna udhalaaleen ama xattaa udilaacin? Haddi ay jawaabtu 'haa' tahay su'aashaas jawaabteedu waa tan:-
Bacda marka ay kaligeed tahay dabka ayaa sitoos ah ula falgalo sidaas ayeena kugubataa balse marka biyo lagu shubo kuleelka dabka waxaa nuugo biyaha oo bacda kuleel saas ah magaaro, sidaas oo kale buufinka waa lamid keligiis haddii dab lasaaro wuu gubtaa balse biyo haddii lagu shubo magubto.