🌻Furaha nolosha| مفتاح الحياة🦋
Photo
Ax halka aad ka tidhi, haddaad odhan lahayd Bismillaah, Malaa’iikta ayaa kor kuu qaadi lahayd, iyadoo la wada arkayo,
Dagaalkii Uxud, ayaa markii Muslimiinta la jabiyay, si aan Rasuulka Scw loo dilin, ay waardiye ka noqdeen 12 Saxaabi oo ah Ansaar,
Kaddib gaaladii oo in yar u jirta, ayuu Rasuulku odhanayaa yaa inagaga filnaanaya? oo la dagaalamaya? Dalxa ayaa odhanaya “Aniga” markaasuu soo boodayaa mid kale oo Ansaartii ka mid ah, oo uu odhanaya “Aniga i sii fursadaa” kaddib ayuu rasuulku Scw ku odhanayaa: gal waayee, kaddib wuu dagaalamayaa illaa la dilo, oo uu shahiido.
Kolba mid ayaa Rasuulka scw naftiisa u huraya oo la dilayaa, illaa uu soo hadho Dalxa, kaddib Dalxa ayaa dagaal ba’an galaya, intuu gaashaanka tuuro, ayuu bidix iyo midigba ku dagaalamayaa, dhan walba ka siinayaa gaaladii, isagoo u huruyaa nabi Muxamed Scw naftiisa, kaddib isagoo gaagaabiyay gaaladii, ayay gacanta kaga dhacaysaa Seef, waxaana go’aya Farihiisa qaar ka mid ah, markuu damqado ayuu odhanaya Ax,
Kaddib Rasuulka Scw ayaa ku odhanaya: Ax halka aad ka tidhi, haddaad odhan lahayd Bismillaah, Malaa’iikta ayaa kor kuu qaadi lahayd, iyadoo la wada arkayo, 👀
Maalinkaas xiddiga dagaalka dhanka Muslimiinta waxa qaadanaya Dalxa oo waxaaba loo bixiyay Maalintii Dalxa, isagaana Rasuulkeena Scw bad baadiyay, isagana dhigay Seefihii, Leebkii, iyo Warmihiiba,
Badalka qisadu waa mid ka mida Dinosauriërskii dabar go’ay, waa mid ka mid ah raggii taariikhda magacooda ku qoray, waa mid ka mida kuwii ka run sheegay Ballanka ay ilaahay u qaadeen, waa mid ka mida Tobankii loogu bushaareeyey Jannada, waa Dalxa Ibnu Cubaydillaah RC.
FG: Qisadan waxa aad ka qaadan kartaa, in marka dhib ku soo gaadho, aad xuska ilaahay Afka ku hayso, oo aanad isticmaalin kelmedaha Baroorta ah: Ax iyo Way, iwm, eed adeegsato (Subxaanallaah, Allahu Akbar, Xasbunallaah) iwm.
Subax wanagsan dhalinyaro ❤️
~Xigasho/ HANAD AADAN