View in Telegram
🌻
Furaha nolosha| مفتاح الحياة
🦋
Mid kamid ah waxyaabaha Maanta ugu adag ayaa ah ficilka ( Action ) qof kasta warqad iyo qalin ayuu jadwal iyo qorshe cajiib ah ku qori ( plan ) kadibna Ficil uma badalayo sanad kadib ama dhawr bilood kadib hadana sidi oo kale ayuu samaynaya waana iska-dabawareeg aanan dhammaad lahayn ! Si aad ficil u samayso oo aad talaabo u qaado, Waxyar qabo, oo joogtee, Naftana abaalmari, kadibna u dabaal-dag guusha aad kasoo hoyiso shaygaas ! Waxbadan in aad qabato kadibna aad joogtayn waydo waxaa ka fiican waxyar in aad qabato kadibna aad joogtayso ( قليل دائم خير من كثير منقطع )
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start