• 𝐖𝘂𝘅𝘂𝘂 𝐘𝗶𝗿𝗶
• Ma cawaa ma caana
• Ma cuqba ma cigashaa
• Ma cizaa ma cuLuqbaa
• Ma daruur gu, curatoo
• Cir_cadaadi noqon baa
• Ma cigaaLka faLagiyo
• Cir_isjiirki mariiqbaa
• Ma magooL cuseebaa
• Ma cadceed aan oriyoo
• FaLaaraha xasuusta Leh
• Ku cabsiisay dhadadoo
• Ceyryaanti didsay baa
• Ma xareed is ceLisay aa
• Ma habeen cade ahoo
• BaLiyada cigaagani
• Casuumeen xidigaha oo
• Cirka dayaxi kaa jiray
• DhuLka ka cawiray baa
• Cosob rayska xadhiyo
• Ma gargoorki ceego
• CaL_caLyadi barkadaybaa
• ALLa samay cuddoonaa
• Udugaa oo carfoonaa
• Zam_zam caynka Lo dhigay
• Ictibaaro badanaa
• Callo ma aha Liiti ah
• Habac ma aha ceebo Leh
• QaLaf ma aha camaL ba,an
• Coon ma aha Lo hoyan
• BaaLi ma aha aariyo Leh
• Cir ma aha toomama
• Cawro ma aha socod badan
• CayiL ma aha Laga dido
• Caatona umay bixin
• Cidkastaba u geeyo
• MeeL laga canantiyo
• CiLad Laguma heLi karo
🍂
➪ 𝐀𝗯𝘄𝗮𝗮𝗻 𝐌𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝐗𝗮𝗮𝘀𝗵𝗶 ༄ 𝐃𝗵𝗮𝗺𝗮𝗰 𝐆𝗮𝗮𝗿𝗶𝘆𝗲 ༆