View in Telegram
ππππππ πππππππ
La joog kuwa Alle ka cabsada, waayo saaxiibtinimada ay kula wadaagaan waxaad ka helaysaa: Qalbi deggenaansho iyo xasillooni.
π
La sheekayso qofka ku ixtiraama, maxaa yeelay: Doodda uu kula yeesho qofka yaqaana qiimahaagu, waxay kuu kordhinaysaa fahamka oo ay xoojinaysaa xiriirka kaala dhexeeya.
π
La tasho qofka ku jecel, maxaa yeelay: Wuxuu mar walba doonayaa inuu arko adigoo xaaladda ugu wanaagsan ku jira.
π
La saaxiib qof ku fahmaya, maxaa yeelay: Saaxiibka sida dhabta ah kuu fahmaa waa kan dareema waxa qalbigaaga ka jira, xitaa adigoon u sheegin.
β
Ka digtoonow la joogista qofka xaasid ah, maxaa yeelay: Naxariistiisa waa mid madhan, wanaagna ma dhasho.
π€
Ka fogow midka jaahilka ah, maxaa yeelay: Saaxiibtinimadiisu waxay kuu horseedi kartaa shallayto iyo dhibaatooyin.
π
Qalbiyada daciifka ah u bogsii sida kaagaba aad ujeceshahy in loogu naxariisto, maxaa yeelay: Hal erey oo wanaagsan oo aad si niyad leh qof ugu tiraahdo ayaa daawo unoqon kara qalbi sanooyin badan murugadu daashatay.
β€οΈβπ©Ή
Dadkana ula dhaqan si wanaagsan, oo noqo mid qalbi nadiif ah leh, kana madax bannaan nacayb iyo colaad.!!
π―
β¨
πΏ
π
π€
π«
π
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start