View in Telegram
La joog kuwa Alle ka cabsada, waayo saaxiibtinimada ay kula wadaagaan waxaad ka helaysaa: Qalbi deggenaansho iyo xasillooni. πŸ’œ La sheekayso qofka ku ixtiraama, maxaa yeelay: Doodda uu kula yeesho qofka yaqaana qiimahaagu, waxay kuu kordhinaysaa fahamka oo ay xoojinaysaa xiriirka kaala dhexeeya. πŸ‘Œ La tasho qofka ku jecel, maxaa yeelay: Wuxuu mar walba doonayaa inuu arko adigoo xaaladda ugu wanaagsan ku jira. 😍 La saaxiib qof ku fahmaya, maxaa yeelay: Saaxiibka sida dhabta ah kuu fahmaa waa kan dareema waxa qalbigaaga ka jira, xitaa adigoon u sheegin. βœ… Ka digtoonow la joogista qofka xaasid ah, maxaa yeelay: Naxariistiisa waa mid madhan, wanaagna ma dhasho. 🀞 Ka fogow midka jaahilka ah, maxaa yeelay: Saaxiibtinimadiisu waxay kuu horseedi kartaa shallayto iyo dhibaatooyin. πŸ‘Œ Qalbiyada daciifka ah u bogsii sida kaagaba aad ujeceshahy in loogu naxariisto, maxaa yeelay: Hal erey oo wanaagsan oo aad si niyad leh qof ugu tiraahdo ayaa daawo unoqon kara qalbi sanooyin badan murugadu daashatay. β€οΈβ€πŸ©Ή Dadkana ula dhaqan si wanaagsan, oo noqo mid qalbi nadiif ah leh, kana madax bannaan nacayb iyo colaad.!! πŸ’―βœ¨πŸŒΏπŸ“šπŸ€πŸ«€πŸ™‚
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily