Nabi Aadam muddo markii uu joogay oo uu dareemay kellinimo, ayaa maalin maalmaha kamid ah wuxuu seexday hurdo dheer, Eebbe weyne wuxuu doonay in uu abuuro Xawa si ay u wehliso Aadan, markii uu Aadan soo toosay wuxuu arkay haweeney qurux badan, way cajabisay, wuxuuna u muujiyay naxriis iyo daryeel. Nabi Aadam iyo Xawa si wadajir ah ayay jannada ugu lugeynayeen u na cuni jireen miraha jannada, Allaah Subxaanah watacaalaa oo uga digaya Aadan cadaawadda Ibliis waxa uu ku yiri: Aadamoow Ninkaa Ibliis ahi wuxuu cadow ku yahay adiga iyo xaaskaaga ee yaanu jannada idinka saarin oo aanad dhibtoon, intaad jannada ku jirtaan ma harraadaysaan, mana gaajoon doontaan.
โ Shirqoolkii Ibliis
Ibliis markii jannada laga eryay wuxuu isku dayayay in uu soo dhuunto, balse ma awoodin in uu soo galo. Eebbe weyne oo la hadlaya Xaawo iyo Aadam waxa uu yiri: Aadamoow adiga iyo xaaskaaga dega Jannada kana cuna cunno shifo iyo waasac ah meeshaad doontaan hana u dhowaanina geeddan oo Markaas aad ka midnoqotaan daalimiinta. Ibliis oo markii horeba ka hinaasay Aadam, ayaa kolkii isaga sababtiisa Jannada looga soo saaray wuxuu u sii qaaday cuqdad iyo cadaawad tii ugu dambaysay, wuxuu bilaabay in uu waswaasiyo Aadam iyo Xaawa si ay u cunaan geedkaas laga xaarantinimeeyay, Ibliis wuxuu ugu dhaartay haddii ay geedkaas cunaan in ay noqon doonaan Aadam iyo Xaawa laba malag islamarkaana ay ka mid noqon doonaan kuwa la siiya waaritaan, wuxuuna u raaciyay Ibliis in uu la talinayo labadooda. Aadam iyo Xaawa ayaa rumaystay arrinkaas oo judhiiba cunay geedkii loo diiddanaa, waxayna dareemeen in ay Alle caasiyeen, aad bay uga shallaayeen oo waxay dembidhaaf weydiisteen Allaah SW. Aadam iyo Xaawa waxaa lagu amray in ay u daataan dhulka.
Allaah subxaanah watacaalaa markii uu doonay in uu abuuro Aadam ayaa waxa uu malaa'igtii ku yiri: Waxaan arlada u samayn khaliif amarkayga fuliya(Aadan), malaa'igta ayaa arrinkaa la yaab ka muujiyay, waxayna yiraahdeen: Ma waxaad samaynaysaa kuwo arlada fasahaadiya oo dhiig ku daadiya innagoo kuu tasbiixsana, Eebbe weyne waxa uu yiri: Wax aadan idinku ogayn baan ogahay. Kaddib ciidda qaybaheeda kala duwan(madow, casaan, caddaan, I.w.m) waxa uu ka abuuray nabi Aadam Calayhi salaam, nabi Aadam waxaa laga abuuray dhoobo, dhererkiisuna wuxuu gaarayay ilaa 60 dhudhun. Ibliis waxa uu kamid ahaa jinka, waxaana laga abuuray dab. Nabi Aadam markii lagu afuufay ruuxda waxaa uu Allaah SW faray in uu u tago malaa'igta oo uu soo salaamo, kolkii uu u tegay malaa'igta waxa uu ku yiri: Assalaamu calaykum; kolkaas bay ku yiraahdeen: Wa calayka salaam waraxmatullaah, kaddib nabi Aadan wuxuu u soo laabtay Rabbi , waxaana loo sheegay in salaantaasi ay tahay salaantiisa iyo tan ummadiisa. Kaddib nabi Aadan waxaa la baray magacyada waxyaabo badan, Sida geedaha, Dhagaxaanta, qorraxda, dayaxa, xiddigaha, I.w.m. Eebbe weyne waxa uu malaa'igtii weydiiyay in ay sheegaan magacyada waxyaabo uu weydiiyay, markaasay malaa'igtii ku jawaabeen Rabbiyow Wax cilmi ah ma lihin annagu wixii aad na bartay mooyaane, kolkaas baa Alle SW amray Aadan in uu u sheego malaa'igta. Allaah Subxaanah watacaalaa waxa uu faray malaa'igta in ay u sujuudaan Aadan ( Salaan) waxaase diiday salaanta kii Ibliis ahaa oo amarkii Rabbi iska kibriyay, Ibliis waxaa la weydiiyay sababta uu diiday amarka Allaah, wuxuuna ku jawaabay: Aniga ayaa ka fiican Aadan oo Aniga waxaa la iga abuuray dab aadanna waxaa laga uumay dhoobo! Xaasidnimada ibliis uu u qabo Aadam iyo dhashiisa xilligaas bay soo bilaabatay. Allaah SW waxa uu faray ibliis in uu ka hoobto samada, waxaana lagu daray kuwa la eryay. Ibliis waxaa laga soo eryay samada, naxriista Eebbe na waa laga fogeeyay, ilaahey wuxuu ku magacaabay; Sheydaan, Daaquut, kii la fogeeyay, kii la lacnaday, waxaana loogu goodiyay isaga iyo kuwa raaca in ay ku waari doonaan naarta Jahannama (Eebbe ha naga xijaabo).