View in Telegram
♦️Qisadii Nabi Aadam C.S.W♦️ QAYBTA 2AAD ■Nabi Aadam oo Wehel jannada ka helay Nabi Aadam muddo markii uu joogay oo uu dareemay kellinimo, ayaa maalin maalmaha kamid ah wuxuu seexday hurdo dheer, Eebbe weyne wuxuu doonay in uu abuuro Xawa si ay u wehliso Aadan, markii uu Aadan soo toosay wuxuu arkay haweeney qurux badan, way cajabisay, wuxuuna u muujiyay naxriis iyo daryeel. Nabi Aadam iyo Xawa si wadajir ah ayay jannada ugu lugeynayeen u na cuni jireen miraha jannada, Allaah Subxaanah watacaalaa oo uga digaya Aadan cadaawadda Ibliis waxa uu ku yiri: Aadamoow Ninkaa Ibliis ahi wuxuu cadow ku yahay adiga iyo xaaskaaga ee yaanu jannada idinka saarin oo aanad dhibtoon, intaad jannada ku jirtaan ma harraadaysaan, mana gaajoon doontaan. ■Shirqoolkii Ibliis Ibliis markii jannada laga eryay wuxuu isku dayayay in uu soo dhuunto, balse ma awoodin in uu soo galo. Eebbe weyne oo la hadlaya Xaawo iyo Aadam waxa uu yiri: Aadamoow adiga iyo xaaskaaga dega Jannada kana cuna cunno shifo iyo waasac ah meeshaad doontaan hana u dhowaanina geeddan oo Markaas aad ka midnoqotaan daalimiinta. Ibliis oo markii horeba ka hinaasay Aadam, ayaa kolkii isaga sababtiisa Jannada looga soo saaray wuxuu u sii qaaday cuqdad iyo cadaawad tii ugu dambaysay, wuxuu bilaabay in uu waswaasiyo Aadam iyo Xaawa si ay u cunaan geedkaas laga xaarantinimeeyay, Ibliis wuxuu ugu dhaartay haddii ay geedkaas cunaan in ay noqon doonaan Aadam iyo Xaawa laba malag islamarkaana ay ka mid noqon doonaan kuwa la siiya waaritaan, wuxuuna u raaciyay Ibliis in uu la talinayo labadooda. Aadam iyo Xaawa ayaa rumaystay arrinkaas oo judhiiba cunay geedkii loo diiddanaa, waxayna dareemeen in ay Alle caasiyeen, aad bay uga shallaayeen oo waxay dembidhaaf weydiisteen Allaah SW. Aadam iyo Xaawa waxaa lagu amray in ay u daataan dhulka. Lasoco qeybta 3aad
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily