Qisadii Nabi Aadam C.S.W
QEYBTA 1AAD
■Abuuristii nabi Aadam
Allaah subxaanah watacaalaa markii uu doonay in uu abuuro Aadam ayaa waxa uu malaa'igtii ku
yiri: Waxaan arlada u samayn khaliif amarkayga fuliya(Aadan), malaa'igta ayaa arrinkaa la yaab
ka muujiyay, waxayna yiraahdeen: Ma waxaad samaynaysaa kuwo arlada fasahaadiya oo dhiig
ku daadiya innagoo kuu tasbiixsana, Eebbe weyne waxa uu yiri: Wax aadan idinku ogayn baan
ogahay.
Kaddib ciidda qaybaheeda kala duwan(madow, casaan, caddaan, I.w.m) waxa uu ka abuuray
nabi Aadam Calayhi salaam, nabi Aadam waxaa laga abuuray dhoobo, dhererkiisuna wuxuu
gaarayay ilaa 60 dhudhun.
Ibliis waxa uu kamid ahaa jinka, waxaana laga abuuray dab.
Nabi Aadam markii lagu afuufay ruuxda waxaa uu Allaah SW faray in uu u tago malaa'igta oo
uu soo salaamo, kolkii uu u tegay malaa'igta waxa uu ku yiri: Assalaamu calaykum; kolkaas bay
ku yiraahdeen: Wa calayka salaam waraxmatullaah, kaddib nabi Aadan wuxuu u soo laabtay
Rabbi , waxaana loo sheegay in salaantaasi ay tahay salaantiisa iyo tan ummadiisa.
Kaddib nabi Aadan waxaa la baray magacyada waxyaabo badan, Sida geedaha, Dhagaxaanta,
qorraxda, dayaxa, xiddigaha, I.w.m.
Eebbe weyne waxa uu malaa'igtii weydiiyay in ay sheegaan magacyada waxyaabo uu weydiiyay,
markaasay malaa'igtii ku jawaabeen Rabbiyow Wax cilmi ah ma lihin annagu wixii aad na bartay
mooyaane, kolkaas baa Alle SW amray Aadan in uu u sheego malaa'igta.
Allaah Subxaanah watacaalaa waxa uu faray malaa'igta in ay u sujuudaan Aadan
( Salaan) waxaase diiday salaanta kii Ibliis ahaa oo amarkii Rabbi iska kibriyay, Ibliis waxaa la
weydiiyay sababta uu diiday amarka Allaah, wuxuuna ku jawaabay: Aniga ayaa ka fiican Aadan
oo Aniga waxaa la iga abuuray dab aadanna waxaa laga uumay dhoobo! Xaasidnimada ibliis uu
u qabo Aadam iyo dhashiisa xilligaas bay soo bilaabatay.
Allaah SW waxa uu faray ibliis in uu ka hoobto samada, waxaana lagu daray kuwa la eryay.
Ibliis waxaa laga soo eryay samada, naxriista Eebbe na waa laga fogeeyay, ilaahey wuxuu ku
magacaabay; Sheydaan, Daaquut, kii la fogeeyay, kii la lacnaday, waxaana loogu goodiyay isaga
iyo kuwa raaca in ay ku waari doonaan naarta Jahannama (Eebbe ha naga xijaabo).
Lasoco qeybta 2aad