Ilaahay baa mahad idilkeed iskale. Nabi Muxammed ﷺ ayaa amaan iyo sharaf le.
Waxaa isku dayaynaa inaan is dul taagno qaybo kamida waxyaabaha aan ka faa'idaysan karro qisada dhalinyartii hogga ( asxaabul-kahfi )
Afeef: Qisada sida ay tahay ugama sheekaynayo meelo kamida umbaa is dul taagaynaa, qofkii u baahan haka dhagaysto culumada kawarantay ama ha akhristo tafaasiirta.
1. Dhalinyaro ayaa wax badasha . U firrso Alla wayne sw wuxuu ku tilmaamay " Fityah " dhalinyaro
Sidoo kale u fiirso asxaabtii Nabigeena ﷺ dhalinyar ayay u badnaayeen, xawaariyiintii Nabi ciise cs dhalinyaro ayay ahaayeen.. ibnu cabbaas rc ayaa lagasoo guuriyay inuu yiri: Ilaahay Nabi kama dhigo qof aan dhalinyaro ahayn, sidoo kale qof aan dhalin yar ahayn caalim ma noqdo. !
2. Ka fogaw xumaanta. Cudur daar kuu noqon mayso waan da'a yarahay wiilshanba waxay ahaayeen dhalinyaro adoo kala waliba waxay mufasiriinta qayb kamida sheegaan inay dabqadda sare ee bulshada ka tirsanaayeen, hadana waxay noqdeen da'yar ilaahay rumeeyay talla saartay xumaantii iyo shirkigii tolkood ku dhexjireen ka dhiidhiyay oo nacay si badheedh ahna ula hortgay boqorkii daalimka ahaa ii kibirka badnaa annagu dhiidnay shirkiga iyo gaalnimda aad waddo. ALLAAH ayay ka baryaayan inuu naxrristiisa siiyo uu ka babaadiyo shirkiga ay tolokood ku jiraan, Rabina sw god ayuu kaga bad baadiyay gaalnimadii iyagana ku ilaaliyay.
3. Ficilku inuu hadalka ka hor maro u fiirso Alle wayne tilmaantiisa " إِذْ قَامُوا فَقَالُوا " " markay kaceeen ayay dheheen " talo saarsho dhab ah ayay la yimaadeen oo way isbadleen Allana garab iyo gaashaan buu u noqday, aayada kale ahayd " Ilaahay ummad xaalad ay ku suganyihiin ma badalo illaa iyaga ay nafsad ahaan isku badalaan "
" إِنَّ اللَّهَ لَا يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُوا مَا بِأَنْفُسِهِمْ. " الرعد ١١ 4. In lays soori doono qiyaamaha ( Bacthiga ) oo kamida waxyaabaha ay ka siman yihiin gaaladii hore iyo kuwa maanta jooga diidistiisa, Allaaha sw dhalinyartaa hogga ku nageeyay 300 sano iyo waliba dheeraad, markii horan kaa ahysiiyay waxba ! miyuunan awoodin in uu kusoo celiyo. !?
5. La saxiib dadka wanaagsan. ! Markaad noqoto rabi yaqaan wadaddii laguu abuurayna raacdo wax walba waa laguu diirayaa.! Saan oganahy Aygu 🐕 waa xayawaanada ugu xun nijastiisa xattaa 7 mar ayaa la dhaqaa, kiisa madaw inaan dillaa layna faray, qofkii dhaqda in ajirkiisu yaraanayo ayaa laynoo sheegay, hadana Allaah sw wuxuu Qur'aankiisa sharaftaleh ku sheegay aygii la socday dhalinyartaas. !
6. Awood nafsi ah ayaa lagu siin markaad Alla yaqaan dhab ah noqoto. Dhalinyartaa iyaga ah ee godka ku jira ayuu Alle wayne Nabi Muxammed scw ku leehay hadaad arki lahayd waad ka carari lahayd waadna ka argagixi lahyd, bal kawaran hadaad wadadoodii qaado oo xumaha ka dhiidhido kana raali noqon waydo cidnana aadan oog baqan xaqqa cadyntiisa.
7. Waan baahanahy bakhtiga looma cuno. Waad yaabantahay maah-maahdana maxaa meesha keenay, bal u fiirso tilmaanta rabigeen, markay soo kaceen ku doodeen inta ay meesha jogeen ayay mid kamida direen kuna dheheen magalaada tag oo fiiri hotelka ugu cunno wanaagsan, cunto nadiif iyo xalaal ah oo wanaagsan no keen.