Faafinta kheyrka

Channel
Logo of the Telegram channel Faafinta kheyrka
@Faafinta_khayrkaPromote
7.99K
subscribers
652
photos
125
videos
696
links
قال النبي صلى الله عليه وسلم بلغو عني ولو ءاية Wuxuu yidhi nabi muxamed ﷺ:- iga gaadhsiya ayaadna hanoqotee Kusoo biir chanelkena kale @Abu_Casim @Faafinta_khayrka Wixii su'al ama talo bixin ah👇 @moha_zahid
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
اللهمّ صلِّ وسَلّمْ عَلۓِ نَبِيْنَا مُحَمد ﷺ 💕♥️🌹🌹💓💗
Ka samaysa Qur'aanka wardi maalinle ah oon sinaba ku dhaafin, aakharo iyo adduunba waad guulaysane !
Forwarded from Faafinta kheyrka (Maxamed Shekh Axmednur)
Rabbi raali gali !

Sayid Mucaawiye rc oo amiirka mu'miniinta ah ayaa warqad u qoray Hooyo Ca'isha rc isagoo leh: Waxaad isoo qortaa dardaaran i anfaca hana igu badin. !?

Waxay u qortay Asallaamu calaykum, waxaan maqlay Nabiga scw oo leh: " Qofkii raali galinta ilaahay ku raadinaya waxa dadka ka cadheeya ( ee xaqqa ah ) Alle ayaa kaga filaan dhibka dadka, qofkii raali galinta dadka ku raadiya waxa Alle cadho galinayana, dadka ayuu Alle u tala saartaa. " Nabad Galiyo !!

Sayid Cali rc waa kii lahaa

" رضا الناس غاية لا تدرك ورضا الله غاية لا تترك فاترك ما لا يدرك وادرك ما لا يترك."

Raali galinta dadku waa yool ( hadaf ) aan la gaadhin raali galinta Allaahna waa yool la gaadho, iskaga tag waxaan la gaadhayn oo haleel waxa la gaadhayo. !

Wax waliba haddaad samayso carabka dadka ka ammaan heli maysid xattaa haddaad buur guradeed dagti in unbaa ku dhihi muxuu cidlada ka doonay !?

ليس يخلو المرء من ضد ولو...حاول العزلة فى رأس جبل - ابن الوردى

Wixii wax ku taraya Rabbi raali ka ayahay bulshadaadana anafacaya ku dadaal Aduunyaduba hakasoo horjeedsatee...
Jaceylka Nabi Muxammed NNKH waxaa calaamad u ah, raacitaankiisa: Racitaankiisuna waa inaad kitaabka iyo sunadu waxay sheegeen ku dhaqanto !
Jannada sare raadso!.

1
Qofka Muslimka ahi waa qof han sare leh, sida diintu inna fartayna qofka hankiisu waa in aanu meel hoose noqon.
Halka u sarraysa ee qof Muslim ah hiigsadaa waa jannada, Jannadana waxa u sarraysa Al Firdaws, waana halka uu Nebigu Scw innagula taliyay in aynu ku ducaysanno.

2
Nebi Muxammad Scw waxa shaki la’aan ah inuu Jannada ka gelayo halka ugu sarraysa, qofka hanka sare lehna waa ka hiigsanaya inuu ka ag dhawaado Suubbanaheennii Muxammad Scw, in aad ka ag dhawaatana waxa kaa xiga inaad salligiisa badiso.
Waxa ka sugan Nebi Muxammad Scw inuu yidhi: “Dadka iigu dhow maalinta qiyaame waa kuwa iigu salli badan”.

Caawa waa Jimce, carrabkaagu yaanu ka daalin Salliga Nebiga Scw
‎اَللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ عَلَى نَبِيِّنَا مُحَمَّدٍ
Forwarded from قناة محمد شيخ أحمدنور ( أبو عاصم ) (Maxamed Shekh Axmednur)
Jidka jannada ha waydaaran.

jannadu waa higsiga iyo himilada qof kasta oo Muslim ah. Dhammaan wanaagyada aynu adduunka samaynayno ujeedka u danbeeyaa waa in qofka Muslimka ahi janno ku helo naartana kaga badbaado.

Waxa ka sugan Nebi Muxammad Scw inuu yidhi “Qofka agtiisa la igu soo qaado ee ogaan salligayga u dhaafa ama u waydaartaa waxa uu waydaartay jidkii Jannada”

Caawa waa Jimce, habeenka Jimcaha iyo maalinta Jimce shaqada u badan ee Nebi Muxammad Scw inna faray waa in aynu ku sallino, salligiisana badinno sababta oo ah waa loo bandhigaa oo waa la gaadhsiiyaa. Kolkaa badi salliga Nebiga Scw oo carrabkaaga ha ka qoyanaado.
Ilaahay jidka jannada innama waydaariyo.

Jimce barkhadeed.
Forwarded from قناة محمد شيخ أحمدنور ( أبو عاصم ) (Maxamed Shekh Axmednur)
Goat Life iyo 2 Cibro

Filimkan ay samaysay shirkadda maraykan ee Hollywood waa mid ku salaysan qiso dhab ah sida ay tilmaamayaan oo hadda kahor kusoo baxday buug ahaan.

Filimku waxa uu u socdaa hab ah, nin hindi ah oo adhiga u raaca mid sucuudi ah oo kafiil ka ah, waxa u uku sifaysan ninka kafiilka ahi dhaqan xumo oo dhan isaga oo tacaddi nooc kasta oo uu yahay kula kacaya ninkan adhiga u raacaya, taas oo lagu sawirayo in xaalladda shaqaalaha carabtu yahay midka filimku sawirayo oo kale.

Haddaba filimkan waxa ku jira cibrooyin waaweyn oo ay tahay in aynu kor istaagno, kuna waantowno, maadaama oo qaabka ay wax isugu aadayaan ay inna tusayaan sida ay wax u socdaan iyo waxa farriin ku gedaaman dhacdooyinka hareeraheenna ka socda.

1- Sucuudiga waxa lagula dhaqmay wixii isaga laga bartay!!

Dhibta la isku eegaa, way inoo dhaxaysayoo
Adiguba dharaaraad, ka qoslaysay dhooshee
Anba dhamay qadhaadhkee, adna waa inaad dhadhamisaa !!

Muddo tobonaan sano ah ayaa ay shirkadaha sucuudigu ku hawlanayeen suuro xumaynta culimada iyo axkaamta shareecada, oo waxa si wanaagsan loo xasuustaa filimadii Daash-Ma-Daash ee lagu bahdilayay dadka diinta ku dhaqankeeda ku toosan ee lahjadda sucuudigu loogu yeedho (Mudawaca) waxa xalqadahaas kasoo muuqanayay qisooyin malo-awaal ah oo lagu suuro xumaynayo gudiyada wanaag farista, fataawada culimada, ururinta sadaqada iwm.

Iskaba dhaaf kuwaase waxa ay gaadheen heer ay ribada iyo axkaamta la xidhiidha iyo maxramka iyo waxyaalaha khuseeya ka bixiyaan sawir xun iyaga oo adeegsanaya filimaanta ka baxayay muuqaal baahiyayaasha dawladda sucuudiga!!

Hadaba maanta waxa uu ka cabbay nidaamka sucudigu isla ceelkii uu ka waraabinayay dadka muddo tobanaan sanno ah, waxana lagu suurad xumeeyay isla usluubkii aadka u liitay ee uu shareecada iyo dadka bartay ku suuro xumayn jiray.

Qaacidada Alle waxa ay tahay:
هَلْ جَزَاءُ الْإِحْسَانِ إِلَّا الْإِحْسَانُ ، وَجَزَاءُ سَيِّئَةٍ سَيِّئَةٌ مِّثْلُهَا ۖ، جَزَاءً وِفَاقًا

Dhammaan aayadahan iyo kuwo la midka ahi waxa ay tilmaamayaan qofka camalka uu la yimaado mid waafaqsan ayaa ciqaabtiisu noqonaysaa, waana waxa sucuudiga helay!!

2- Waxa dhawaan uun ahayd markii ay sucuudigu shaaciyeen in ay Makkah ka furayaan shaneemada ugu weyn ee lagu daawan doono filimada.
Hadaba maxay ka dhigan tahay in dawladdii ku dhiirratahay in ay dhulka barakaysan ka furaan meel filimo laga daawado innaga oo og cidda ugu badan ee maanta filimada soo saarta hormuudkana ka ah majaalka metelaada in ay tahay dunida reer galbeed gaar ahaan maraykan iyo shirkadihiisa in isla kuwii aad shaneemooyinka u diyaarinaysay Alle kugu sallido oo ay nidaamkaaga ku bahdilaan filimadooda!!

Qof kasta waxa uu si cad u arkayaa hadalka Alle weyne yidhi:
إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا يُنفِقُونَ أَمْوَالَهُمْ لِيَصُدُّوا عَن سَبِيلِ اللَّهِ ۚ فَسَيُنفِقُونَهَا ثُمَّ تَكُونُ عَلَيْهِمْ حَسْرَةً ثُمَّ يُغْلَبُونَ ۗ وَالَّذِينَ كَفَرُوا إِلَىٰ جَهَنَّمَ يُحْشَرُونَ

Aayaddani waxa ay tilmaamaysaa in gaaladu – munaafiqiinta iyo muslimiinta jidkooda qaadayna waa la mide- ay hantidooda bixinayaan si ay jidka Alle uga hor istaagaan , hantidaa way bixin waanay ka qoomamayn oo lagaga awood roonaan….

Waxa kale oo Suubanuhu N.N.K.H yidhi: "Qofka ku raalli geliya makhluuqa cadhada Alle SWT, Ilaahayna waa u cadhoodaa makhluuqana cadho ayuu u geliyaa"

Waxa ay maanta ka cabanayaan wixii isqurxin ah ee ay soo wadeen illaa 2017 ee ay dunida reer galbeed isugu eekaysiinayeen in uu dhulka la galay filimkaa ay Hollywood ku bixisay 1.2M keliya!!

Waxa se' aynu xasuusinaynaa Sucuudiga in ay tobonaan sano qayb ka ahaayeen suurad xumaynta diinta suuban iyo faafinteeda iyaga oo labajibbaaray wixii ka danbeeyay 2017kii oo ay sii xoojiyeen suurad xumaynta axkaamta shareecada iyo buubuuninta reer galbeedka iyo dhaqanadooda.

Dhacdadan waxa iiga muuqda labadaa cibro oo runtii ah kuwo aad u waaweyn lagana yaabaa in qofka aad ugu sii fiirfiirsada ay uga baxdo cibrooyin intaa ka badan!!
Please open Telegram to view this post
VIEW IN TELEGRAM
Forwarded from قناة محمد شيخ أحمدنور ( أبو عاصم ) (Maxamed Shekh Axmednur)
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
اللَّهُمَّ صَلِّ عَلَى مُحَمَّدٍ وَعَلَى آلِ مُحَمَّدٍ كَمَا صَلَّيْتَ عَلَى إِبْرَاهِيمَ وَعَلَى آلِ إِبْرَاهِيمَ إِنَّكَ حَمِيدٌ مَجِيد ، اللَّهُمَّ بَارِكْ عَلَى مُحَمَّدٍ وَعَلَى آل مُحَمَّدٍ كَمَا بَارَكْتَ عَلَى إِبْرَاهِيمَ وَعَلَى آلِ إِبْرَاهِيمَ إِنَّكَ حَمِيدٌ مَجِيد.🌹❤️🌹
Forwarded from قناة محمد شيخ أحمدنور ( أبو عاصم ) (Maxamed Shekh Axmednur)
Shaqada Jimcaha.

Shaqada ugu mudan ee maalinta Jimcaha ee qiimaha badan la qabto Suubbanaha ayaa innoo caddeeyey oo waa in Salligiisa la badiyo oo carrabka lagu hayo.

Gaar ahaan Salliga Ibraahiimiyada ee aynu Attaxiyaadka ku akhrino. Barako badan ayay leedahay oo qofka ku dikriyaa uu dareemayo

اللهم صل على محمد وعلى آل محمد كما صليت على ابراهيم وعلى آل ابراهيم انك حميد مجيد. وبارك على محمد وعلى آل محمد كما باركت على ابراهيم وعلى آل ابراهيم انك حميد مجيد
Forwarded from قناة محمد شيخ أحمدنور ( أبو عاصم ) (Maxamed Shekh Axmednur)
Nabi Muxammed ﷺ  markuu sii seexanayo intuu gacanta midig dhabanka saaro ayuu dhihi jiray:

" أللهم قني عذابك يوم تبعث عبادك "

" Ilaahoow cadaabkaaga iga ilaali maalinkaad addoomahaaga soo saarayso "
Marka ay culimadu fasirayaan hadalka Allaah yidhi:

﴿إِذۡ نَادَىٰ رَبَّهُۥ نِدَاۤءً خَفِیࣰّا﴾ [مريم ٣]

Waxa ay tilmaamaan in Nebi Sakariye baryada Alle uu siraystay oo hoos u dhigay si uu istusnimo uga badbaado , iyo si aan loogu caanaanan oo dadku ula yaabin maadaama oo isaga oo da’a ah uu ubad Alle weydiistay, waxa kale oo ay mufasiriinta qaarkood tilmaamaan in uu habeenimo Alle weyne baryay sida jalaalaynkuba cabbirayo.

Waxa aynu aayaddan ka qaadanaynaa aadaabta Alle lagu baryo.

#Quraanka_aan_dhugano
Waxa aan Ilaahay mahaddii gebogabeeyay turjumaadda kitaabka:

أنثى تشكر الإسلام

Ee uu qoray Dr Muxammad As-Sayid , waxana dhawaan uu geli doonnaa daabacadda , tifaftir iyo qurxin kadib Insha Allaah.

Waxa kitaabka lagaga bogan doonnaa qodobo la xidhiidha haweenka iyo booska ay xadaaradihii dunida kaga jireen, waxa aynu arki doonnaa sida Islaamku u ciseeyay haweenka iyo sida xadaaradihii ka horreeyay iyo kuwa maanta calan walleeyaa u bahdileen ugana saareen dumarnimadoodii.

Waxa sidoo kale uu jawaab waafi ah ka bixinayaa kitaabku shubuhaadka lagu soo arooriyo nusuusta shareecada ee haweenka ka hadashay sida aayaadka dumarka khuseeya iyo axaadiista.

Waxa aan ku dedaalay in luuqadda aan ku turjumay ee soomaaligu ahaato mid fudud oo si sahlan loo fahmi karo kana madhan halxidhaale iyo erayo suugaaneed oo qaamuus u baahan.

Buuggani waxa uu hadyad u noqon doonaa hablaha soomaaliyeed, waxana aan ku dedaali doonnaa qurxintiisa, maadaama dumarka iyo quruxdu ay mataano yihiin.
Turjumaadda kitaabka:

أنثى تشكر الإسلام.
Forwarded from قناة محمد شيخ أحمدنور ( أبو عاصم ) (Maxamed Shekh Axmednur)
Jig-jiga
Forwarded from قناة محمد شيخ أحمدنور ( أبو عاصم ) (Maxamed Shekh Axmednur)
Shaqada Jimcaha.

Shaqada ugu mudan ee maalinta Jimcaha ee qiimaha badan la qabto Suubbanaha ayaa innoo caddeeyey oo waa in Salligiisa la badiyo oo carrabka lagu hayo.

Gaar ahaan Salliga Ibraahiimiyada ee aynu Attaxiyaadka ku akhrino. Barako badan ayay leedahay oo qofka ku dikriyaa uu dareemayo

اللهم صل على محمد وعلى آل محمد كما صليت على ابراهيم وعلى آل ابراهيم انك حميد مجيد. وبارك على محمد وعلى آل محمد كما باركت على ابراهيم وعلى آل ابراهيم انك حميد مجيد


Xamse Cumar Kujoog
More