View in Telegram
Suuratul-Kahfi . Ilaahay baa mahad idilkeed iskale. Nabi Muxammed ﷺ ayaa amaan iyo sharaf le. Al-Kahfi waa suurada 18aad ee kala horaynta Qur'aanka kariimka aayadaheedu waa 110 waxay soo dagtay wakhtigii Nabigu ﷺ Makka joogay, waxayna kala badhaa Qur'aanka kariimka. Waxay ku jirtaa suuradaha fadliga gaarka ah leh, waxaa ka mida fadligeeda in qofkii akhriya ama xifdiya tobanka aayaadood ee ugu horeeya laga ilaalin Dajjaal fitnadiisa, sidoo kale waxaa kamida fadligeeda in la akhriyo maalin walba oo jimca ah qofkii akhriyana ay iftiin u noqon ilaa jimacaha ku xiga. Waxuu Alla wayne sw suuradan ku sheegay afar qiso oo  faa'idooyin badan laga dhaxlay: 1.Qisada dhalinyartii godka ( Asxaabul-kahfi ) 2.Qisada labada nin ee saxiibka ahaa ee beerta lahaa 3.Qisada Khadir iyo Nabi Muse 4. Qisada Dul-qarnayn. Waxay ina bartay suuratul kahfi cashiro aad tiro oo badan markaad u fiirasato la yaabayso mudanna inaan wax ku qaadano. ..... Qoraalka xiga jimcaha soo socda  iyo qaybo kamida Cashirada aan ka baranay Al kahfi. Muxammed Sheekh Axmednur
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily