Nooca telefoon ee u dambeeyey, gaadhiga ugu xawaare dheereeya, iyo fiiqsashada dhalada ugu qaalisan ee club-ka, kaama dhigi doonaan nin guulaysta, kuumana dhisi doonaan mustaqbalkaaga. Ma waxaad ku fikiraysaa in baraha bulshada oo la iska xayeysiiyaa ay kaa dhigayso madax? Kaama dhigi doonto. Laakiin, nin naanaab ah ayey kaa dhigaysaa. Sababta oo ah, ragga dhabta ah, ee ragganimadu ay dhabankooda ka muuqato, ma ugaarsadaan darreenka dadka. Ragga dhabta ahi wax bay dhisaan, wax bay maalgeliyaan, mustaqbal ayeyna diiradda saaraan. Waxaad iskudayeysaa inaad u muuqatid "lacag", laakiin Dangote iyo ragga lamidka ah lacagta ayey sameeyaan!
Ma waxaad rabtaa in lagu ixtiraamo, oo fadhiga lagaaga kaco? Jooji, haddaba, inaad darreenka dadka raacdaysid ama aad ka qisootid, si joogto ah, guulahaaga, ee taas cagsigeeda diiradda saar inaad xaadir ahaatid, kaqeybqaadatid, aad wax ku darsatid horumarka iyo wacyiga bulshada, aadna ballaadhisid mas'uuliyaddaada. Mustaqbalkaaga waxa kaabaya, shaqooyinkaaga maalinlaha ah, iyo wixii isbeddel ku keenay noloshaada xoogga saar. Waqtiga aad ku bixin lahayd isu muujinta dad aan ku aqoon, ama aadan aqoon, waxaad ku dhisi kartaa wax dhab ah, la taaban karo, oo baaqi ahaan doona.
Dangote uma baahna in uu muujiyo ama ku falaado hantidiisa, waayo; waxa uu ogyahay cidda uu yahay iyo waxa uu dhisayo. Raggu dhacdooyin iyo akhbaaraad la tebin karo ayey sameeyaan iyaga oo aan qaylin. Ma uu daryeelayn in uu iska muujiyo hantidiisa; waayo, waxqabadkiisa ayaa u hadlayey. Waxaad u baahan tahay in aad joojisid danaynta ismuujinta, aadna billowdid in aad diiradda saartid waxa dhabta ah. Halkii aad nooca telefoon ee u dambeeyey aad iibsan lahayd, wax kobci kara ku maalgasho lacagta. Halkii aad lacagta ku bixin lahayd iibsashada dhar, ku maalgasho ganacsi aad leedahay oo kuu kala socon kara. Halkii aad saacadaha habeenkaaga ku qaadan lahayd kalaabyada iyo meelo is-istaag aan dheefi kigu jirin, ku bixi korinta iyo kashaqaynta ahdaaftaada iyo maalgashiga aayahaaga.
Hantida dhabta ah ma catowdo, umana baahna in lagu falaado; sababtoo ah, waa ay muuqataa. Marka aad wax dhab ah ku dhisaysid uma baahnid inaad ka qaylisiisid oo muujisid. Uma baahnid in qofna aad u caddaysid wax ama iska dhaadhicisid. Dunida ayaa arki doonta, ixtiraam, qaddarin iyo weynayn ayaana soo raaci doona.
Wax ka baro ragga sida Dangote, ragga aan ismuujinin, ragga aan danaynin waxyaalaha dunida u cusub, ragga ku mashquulsan in ay reebaan dhaxal. Taasi waa awoodda dhabta ah, taasi waa guusha dhabta ah. Sidaasi darteed, ragow, waa waqtigii aan jiifka ka kici lahayn. Jooji ugaarsiga darreenka dadka. Jooji in aad lacagtaada ku bixisid waxyaalaha aan macnaha lahayn. Maalgeli noloshaada, maalgeli mustaqbalkaaga, ka tali aayahaaga, oo billow in aad dhistid wax dhab ah oo baaqi ahaanaya. Sababta oo ah, dhammaadka marka la gaadho, ragga dhacdooyinka sameeyey uma baahna in ay qayliyaan!
Dhan
W.Q: Aklahyel Goni
W.T: Saciid Sarhaye