Смотреть в Telegram
I dhagayso, ragow! Sawirkan hoos kaaga muuqda, waa Aliko Dangote, ninka madowga ah ee ugu hodansan dunida. Si fiican u eeg. Kama laalaaddo qoortiisu silsiladda Cuban, ma uu xidhna Fendi polo soojiidasho leh, curcurkiisu kuma xidhna Rolex ifaysa, kuma dahaadhna indhihiisu ookiyaalaha D&G (Dolce & Gabbana), ma uu gashana Balenciaga joggers, mana uu illana kabaha Nike. Xataa iskuma tahlo in timihiisa uu midabeeyo. Sidaas oo ay tahayna, waa Dangote, weli waa Dangote, waa ninkii boqortooyo dhisay. Waa ninka magaciisu uu dunida ka kasbaday xushmad. Haddaba, waa adiga. Waa adigan qadaadiic yar akoon ku haysta, ay adag tahay in uu badbaado oo nololmaalmeedkiisa helo! Iyada oo sidaas ah, haddana waxa ugu horreeya ee maankaaga ku soo dhacaa waa in timahaaga aad raamaysid, aad iibsatid nooca iPhone ee u dambeeyey, aadna yeelatid alaabaha ugu qaalisan ee dunida. Waxaad rabtaa inaar xidhatid dhar la naqshadeeyey, aadna hubsatid in qof walibaahi uu ku yaqaano. Waxaad iska muujisaa, oo iska qaadqaaddaa, baraha bulshada, adiga oo la soo gole-tagaya qolal sida hoteello ah, muujinayana in aad ku nooshahay halkaas, iyada oo xaqiiqadu ay tahay in aad la daalaadhacaysid helitaanka baahiyahaaga aasaasiga ah! Waxaad rabtaa inaad kaxaysid gaadhi qaali ah oo qiimihiisa aadan gooyi karin. Waxaad rabtaa in masraxyada iyo goobaha qoobkaxiyaarka lagu dheelo aad ku fiiqsatid dhalo Pop ah, ayna hareerahaaga soo tubtaan naagaha ilqabadka leh, adiga oo ku fikirayo in kuwaasi ay kaa dhigayaan qof! Ka kac hurdada, ragow! Dadka sameeya dhacdooyin xusuus leh iyo akhbaaraad la tebin karo (news) ma qayliyaan. Ha kaa daadegto taasi. Eeg Dangote, uma uu baahna in uu soo jiito darreenka (attention-ka) dadweynaha, uma uu baahna in hantidiisa, xeerarkiisa iyo saamayntiisaba uu kala hadlo dadka kale. Waxa uu dhisay wax baaqi u sii ahaanaya jiilasha ina xiga, umana uu baahna in uu xidho waxsoosaarkii u dambeeyey ama uu ku falaado hantidiisa. Wuxuu diiradda saaray wixii u mudnaa, oo ah: dhisid, maalgelin iyo abuurid. Adiguse, waxaad iskudayeysaa in dhaqaaqii aad samaysidba u soo muujisid dadka. Waxaad ku fikiraysaa in maqaamku uu ku yimaaddo waxa aad xidhan tahay, nooca gaadhi ee aad waddid, iyo waxa aad soo post-garaysid. Waad qaldan tahay haddaba. Maqaamku, waxa uu ka yimaadaa waxa aad dhistay, waxa aad ka qeybqaadatay, iyo saamaynta ugu dambaysa ee aad reebtay. Waxaa aad ugu mashquulsan tahay in aad u muuqatid qof hodan ah, halka ay ahayd in aad ku mashquushid sidii aad ku noqon lahayd hodan. Waxaad ugaarsanaysaa kasbashada darreenka dad aan danayn kuu hayn oo adiguna aan door kuu lahayn, halka ragga, sida Dangote, ay ku mashquulsan yihiin dhidib-u-taagidda hanti aan iyaga kaliya kaafinayn ee sidaas oo kalena waxtaraysa jiilasha ka dambeeya. Aan haddaba mid kuu sheego: hodantinimada dhabta ahi waa aamusnaan, ismuujin la'aan. Dadka hodanka ah hantidooda kuma ay bixiyaan wax ay haystaan; sababta oo ah, ma ay rabaanba. Uma baahna in qofna ay u caddeeyaan wax (in ay hantiile yihiin, guulaystaal yihiin, iqk). Waxay aad ugu fooggan yihiin shaqo, shaandhayn iyo maalgelin ay ku samaynayaan wixii mudan. Adigana waxaad lacagtaada ku beeldareenaysaa waxyaabo aan macno sii ridan lahayn, jacaylkaaga ayaad ku qarashgareenaysaa waxyaabo aan xataa dhudhun inla'eg kuu dhaweenayn xorriyad dhaqaale. Taasi waa sababta aad horumar u gaadhi la'dahay! Dangote boqortooyadiisu kuma uu dhisin lacagta oo lagu beeldarreeyo alaabo la naqshadeeyey iyo bannaamaha oo loo caways doonto xilliyada habeenka. Laakiin, wuxuu boqortooyada ku dhisay samaynta dhaqaaq laga fiirsaday, iyada oo uu maalgelinayo warshado abuuri kara dhaqaale, iyada oo diiradda la saarayo qorshe fog, ee aan la eegayn kaliya qorshe dhow iyo baahi taagan. Wax rabitaan ah uma uu haynin in uu u muuqdo hantiile, ee waxa uu danaynayey in uu noqdo hantiile. Ragow, waa waqtigii aad si toos ah u abbaari lahayd wixii mudnaan kuu leh. Jooji in aad isku muujisid dadka aan ku daneenayn, dadka ilooba magacaaga isla marka aad libdhatid. Jooji in aad lacagtaada ku bixisid waxyaabo aan macno lahayn.
Telegram Center
Telegram Center
Канал