Смотреть в Telegram
7caado ee dad ka samayntaleh ..👇 1. Noqo Qof Hal Abuur Leh (Be Proactive) Qofka hal abuurka lihi waa qof naftiisa oo kaliya ku tiirsan, isla markaana xal u raadiya mushkiladaha noloshiisa soo wajaha xitaa haddii uusan isagu mas’uul ka ahayn mushkiladahas. Sidoo kale, qofka hal abuurka lihi waxa uu aaminsan yahay in ay noloshiisu ku xirantahay isagaa oo kaliya, waxna cidna kama sugo. Qofka hal abuurka lihi mar kasta waxa uu isku dayaa inuu barto wax cusub. Dhanka kale, qofka aan hal abuurka lahayn waa sidaa kas ka soo horjeedka, wuxuu ku tiirsan yahay cid kale. 2. Bilow Adiga oo Dhammaadka Niyadda Ku Haya (Begin with the End in Mind) Qodobkan dhowr buug oo hore ayaan ku soo sheegnay. Waa inaad bilowdid hawl kasta oo aad bilabayso adiga oo dhammaadka hawshaa niyadda ku haya. Tani waxa ay keenaysaa in aadan sinaba uga caajisin hawshaas aad ku guda jirto. 3. Wax Walba Sida Ay U Kala Muhiimsan Yihiin U Kala Horray (Put First Things First) Walaalka qimaha badanow, waxa muhiim ah inaad ogaato in maanta waqtigan la joogo, waxa meel walba ka buuxa ay san muhiim ahayn is-kadaaye in ay wax-tar leyihine xitaa waa denbi . Hadaba waxa laynaga rabaa inaan nafteena hogaan ka u qabanno wax walbana aan ukala horraysiinno sida ay ukala muhiimsan yihiin oo ay ugu horreyan waajibaadka Alle ina faray. Nabi Maxamed SCW wuxuu yiri, "Wixi ku anfacaya ku dadaal, Alle na talo saaro hana caajisin." Maahmaah Soomaaliyeed baana ahayd, "Canjeelo sida ay ukala sarraysaa loo cunaa." 4. Guusha Wadajirka Ah Ku Dadaal (Think Win-Win) Waxa macquul ah inaad is leedahay maxaa igaaga xiran dadka kale. Laakiin qoraagu wuxuu leeyahay, dadku 2 nooc bay is kugu jiraan: dad ka faa’iidaysta dadka baahiyaahooda sidaas na iskugu daya inay ku garan guul, iyo dad kale oo ah kuwa ku dadaala cadaaladda iyo sinaanta, markastana isku daya inay siiyaan dadka xaqooda. Hadaba qoraagu wuxuu leeyahay nooca koowaad ee aan soo sheegnay, waxa macquul ah inay mustaqbalka dhow wax badan faa’iidaan, laakiin mustaqbalka fog dadku waxa ay oganayaan inaad danayste tahay sidaas bayna kaga fogaanayan ilaa aad ka noqoto qof cid la ku soo hara. Marka waxa uu leeyahay qoraaga buugan, ku dadaal cadaaladda oo cidna ha duudsiinin xaqiisa, kagana ha ka tanaasulin. 5. Wax Fahan Inta Aan Adiga Lagu Fahmin (Seek First to Understand, Then to Be Understood) Xiriiro badan oo ka dhexeeya bulshada, qaar kamid ah waxay ku lumaan in hal dhinac uu rabo inuu isaga oo kaliya la fahmo, fikirkiisana la qaato. Qoraagu wuxuu leeyahay adigu isku day inaad noqoto qofka inta badan wax fahma. Wuxuu leeyahay arrintan waxa ay leedahay laba faa’iido oo kala ah: tan koowaad, waxaad ogaanaysaa qofka kale ra’yigiisu in uu sax yahay ama qalad; tan labaad, haddii ra’yigagu uu saxan yahay, waxaad ogaanaysaa waxa qofkan kale ku dhejiyay ra’yigaasas qaldan, midaasna waxa ay ku fududaynaysa inaad xal u hesho mushkiladdaas. 6. Wada Shaqaynta (Synergize) Isku day inaad dadka kaalmaysato oo ay kula shaqeeyaan adiguna aad la shaqayso markasta oo aad hawl qabanayso. Isku day inaad dadka kaalmaysato. oo aad shaqaalaysiiso. Ileen waxa layiri (Gacmo wada jir bay wax gooyaan) 7. Mididaada Afeyso (Sharpen the Saw) Qoraagu wuxuu leeyahay markaad dadaasho oo aad shaqo badan qabato, qofku waa uu daalaa maskax ahaan iyo jidh ahaanba. Sidaas darteed, wuxuu u baahan yahay inuu nasto si uu dib ugu helo tamar uu ku shaqeeyo. Marka qaado waqti nasasho oo kugu filan. XIGASHO
Telegram Center
Telegram Center
Канал