Ilayska Horumarka: Halganka iyo Himilada Dalkeena
Waxaan nahay dad mid ah, hal dal oo aan u wada dhalannay. Halganka iyo himiladu waxay ku dhisan tahay midnimo, is-kaashiga, iyo jacaylka aan u qabno dhulkeenna hooyo. Ilayska Horumarka ma ahan kaliya magac, waa hinqashada himilooyinkeenna oo midnimo lagu gaari karo.
Dalkeenna Waa Astaanteenna: Waxa aan dhaxal ka helnay awoowayaasheen waa sharaf iyo karaamo, waxaanan ku khasbanahay inaan difaacno, dhisno, oo aan kobcinno. Dalku waa hoyga aan ku nool nahay, waxa uu mudan yahay in laga ilaaliyo wax kasta oo ku keenaya burbur ama dib-u-dhac.
Midnimo Iyo Difaac Dalkeenna: Ma jiro cadaw ka xoog badan dad mideysan. Walaalow, Itoobiya ama cid kale oo shisheeye wax innaga qaadi karta ma jirto haddii aan gacmaha is-qabsanno oo aan difaacno dalkayaga. Haddii aan isku duubnaano, wax walba waan ka guuleysan karnaa.
Waxaan Nahay Ilayska Horumarka: Waxaan u istaagnay inaan dalkayaga u noqonno iftiin cusub, midnimo cusub, iyo difaac qaran. Walaalayaal, aynu kacno! Jacaylka dhulkaaga iyo karaamadaada ayaa ah halbeegga guushaada. Ilaalinta dalkaaga waa ilaalinta mustaqbalkaaga iyo jiilkaaga.
Waxaan nahay Ilayska Horumarka – dalkeennu waa jiraa, annaguna waan badbaadin doonaa.
Whats app
https://wa.me/+252618548056Xiriir:
Lambarka: 0618548056
Email: wllmohamohamed@gmail.com
Telegram ilayska horumarka