View in Telegram
orahside
Kadib 12 maalmood oo dagaallo aan kala joogsi laheydn ay ka socdeen intabadan gobollada wadanka Suuruiya ayay ugu dambeyn xoogagga mucaaradka Suuriya lawareegeen talada wadanka. Wararka ka imaanaya Suuriya ayaa sheegaya in dagaallo xalay fiidkii ka billaawday magaalada Ximis oo ah caasimadda 3aad ee wadanka ay sababtay in ay burburaan ciidamadii dowladda Bishaar Al-Asad. Kumanaan katirsan kooxaha kacdoonka ayaa ugudbay magaalada Dimishiq waxayna gacanta ku dhigeen xarumaha muhiimka ah sida Telefeshinka iyo Raadiyaha dowladda. Sidoo kale qasriga madaxtooyada Dimishiq ayay kacdoon wadayaashu galeen balse kamasoo helin Bishaar Al-Asad waxaana larumeysanyahay in uu ubaxsaday dalka dibaddiisa. Malaayiin shacab ah ayaa ku dabaal degaya fagaaraha weyn ee Umawiyiinta magaalada Dimishiq, waa markii ugu horraysay oo shacabka Suuriya uu saaka waagu ubaryo iyagoo xor ka ah nidaamka Aala Asad kadib muddo 53 sano ah.
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start