Смотреть в Telegram
Maan_maal
Shanta Qaanuun ee Aftahannimada
.
Shantan qodob ayaa waxa loo yaqaan shanta qaanuun ee saldhigga u noqday fagaara ka hadalka ilaa maanta waa lagu dhigaa goobaha lagu barto fagaare ka hadalka.Alliifid, qodobka kowaad ee alifaaddu waa in aad mawduuca dooratid, waa marxalad-maskax-tuujineed, tusaale ardaygu inta uusan diyaarin buuggiisa qalin-jebinta jaamacadda waxa uu doortaa mawduuc uu aad u soo daraaseeyey. Qaabayn, waa habka aad u kala hormarin lahayd qoraalkaaga iyo hadalkaaga, tusaale; musharraxu ayaa waxa uu u qaabeeyey hadalkiisa sidan, marka hore waxa uu ka hadli doonaa xuquuqda madaniga ah, marka labaad waxa uu ka hadli doonaa dhaqaalaha, marka saddexaad waxa uu ka hadli doonaa xidhiidhka caalamiga. Habka, waa dib u habayn erayga, jumlada iyo qoraalka oo dhan, İsku dheelitirs si erayadu isu raaci karaan iyo habka ugu habboon ee hadalku heersare ku noqon karo. tusaale; Musharrax ayaa waxa uu hadalkiisa ka hormarinayaa tusaalooyin qosol leh, ka dib ayaa waxa uu usoo gudbaya ujeedkiisa iyo dulucda hadal. Xasuus, waa fahan iyo habka loo xifdiyo si loo xasuusto oo aan loogu dhibtoon jeedinta. Jeedin, waa marxaladda ugu dambaysa, waxay diiradda saaraysa habka ugu habboon ee loo jeedo hadal.
XIGASHO/BUUGA AFTAHAN.
SUBAXWACN Jaalayaal
☕️
Поделиться
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Бот для знакомств
Запустить